Shirkii Djibouti Lagu Soo Xidhay Ma Mid Siyaasadeed Ayuu Ahaa?

0
1

Aqoonyahan Cabdi Cali Jaamac Oo Falanqayn Ku Sameeyey Ujeedada Uu Daarnaa Shirkaasi

 

Hargeysa(Hubaal):-Proff Cabdi Cali Jaamac oo ka mid ah aqoonyahanka somaliland isla markaana wax ka dhiga jaamacada Hargeysa ayaa falanqayn ku sameeyey shirkii lagaga hadlayey isbadalka geeska Afrika iyo sida ay soomaalidu ula jaanqaadi karto ee lagu soo xidhay dalka Djibouti.

 

Proff Cabdi Cali Jaamac ayaa qoraal uu ku faaqidayo shirkaas oo uu ka soo saaray Hargeysa, waxa uu u dhignaa sidan:-

Ha I Odhan Siyaasad Muu Ahayn Shirkii Djibout; Intuu siyaasad dhaafay ayuu ahaa shir dhaqaale-siyaasadeed Goboleed (regional political economy)

Fiqiga Siyaasadda Arrimaha Dibadda u Adeegta Danaha Dhaqaalaha!!!

Ku ye si fiican bay u doodeen hebel iy heblaayo; ii kaadi; ii kaadi; halkaa ha iiga bilaabin; dood qurux badan iyo waxaas ma aha arrinku ee bal in yar ii sabir, aan kaaga dhaco xaajadan dhumucda wayne!!!

Dadkeena ka qayb galay shirka Djibouti waxay ku doodayaan, muu ahayn shir siyaasadeed. Waxan idiin sheegayaa inuu siyaasad dhaafay; Waxa furay M/weyne Geelle; waxa lagu qabtay Djibouti; horta garo cidda iska leh mashruucaas siyaasiga ah; waxa isna fadhiyay Ra’iisal wasaare ku xigeenkii Somalia; Laguuma qarin waxa lagaga hadlayay shirka; waa isbeddelka geeska iyo saamayntiisa; waxa ugu wayn waa dagaalka dekadaha;

Maxaad ka soo xaqiijisay adigu?;Djibouti shirku waxbuu u jarayay; wuxu jawaab u ahaa go’doonkii la galiyay? Miciyaha iyo muruqyada libaaxii Somalida ee beri hore fidigay ayuu wax ku khuukhinayay?; waxbuu u jarayay shirku isaga; tol baan leeyahay buu daaraa!!! waana sababta uu u qabsaday shirka? adiga muxuu ku soo jaray?; ma ogtahayse wuxu ku yeelay immika?

Dhinaca kale, Muqdishona macne kale ayuu ugu fadhiyay shirkani; kaasoo aad uga duwan kan Djibout ee aan soo sheegnay?!!; waxan qabaa sababta Ra’iisal wasaare ku xigeenka Somalia u yimi waxay ahayd in lagu yidhi waar kuwii Somaliland ayaanu kuu casuumaynaa ee kaaalaya meesha ka dhigta fursad aad ku xod-xodataan dadka rayadka ah ee aan dawladda xilalka ka hayn; lama soo direen Mr Mahdi ama Khadar, nin ba sidu u yaqaan, haddii aan la casuumin ka qayb galayaasha Somaliland; Djiobutina way ku guulaysatay markaas in loo wada yimaaddo.

Shirka aad ka qayb gasheen waa shir aan ugu yeedhi karo shir goboleed siyaasad dhaqaale (Regional political economy forum), oo dawladda Djiobouti ugu xiddiganayso kaalinteedii dekadaha ee madanaha dabka loo geliyay!!!; waa daw in ay u kitaab furto iyo in ay uugaamiso cidda ay uugaamin kartaba; kol ay soo bakhti afuufto ninkii Somaliga la odhan jiray oo beri hore da’ furay, oo aan geelba xero ugu jirin!!!

Maxaa keenay madaxda Muqdisho; adiga kuwaagii xilka hayay meeye; inaad iskaga soo noqtaan bay ahayd markaad aragteen in reer xamarku wataan madaxdoodii, idinkana aanu idinla socon qof kaliya oo xukuumaddiina immika xil ka haya ka socda? intaa ma garanaysaan?!!! ma rumaysanayo in aad tidhaahdaan: I don’t even know how to read politics from particpants; let alone the host country, the title of the discussion already given and other associated factors put into context!!!

SHARE
Article horeGuddoomiyaha Hay’adda Shaqaallaha Oo Faahfaahiyey Sida ay Habluhu Uga Faaiideysteen Fursadaha Shaqaallaysiinta
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here