Shirweynihii 7aad ee Dalladda SONYO oo Khilaaf Dartii loo Hakiyey Muddo aan

0
11

Jaha-wareer baahsan oo shirweynaha hadheeyey iyo go’aamo iskhilaafsan oo xalay soo baxay

Hargeysa (Hubaal)- Shirweynihii 7-aad ee dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa ka furmay Sabtidii, ayaa ku dhammaaday xaalad jaha-wareer ah iyo go’aamo isku lid ah, kadib khilaaf culus oo laba garab u kala qaybiyey ergooyinka ka qaybgalayey.
Shirweynahan oo qorshuhu ahaa in la soo gunaanado shalay ilaa xalay, laguna doorto hoggaan cusub iyo golaha sare ee xilka dalladda haynaya labada sanno ee soo socda, ayaa lagu guuldarraystay in shirku si habsami ah u socdo, kadib markii xal loo waayey khilaaf laba garab u qaybiyey ergooyinka ururrada isaga kala yimi gobollada dalka ee kala taageersan laba murrashax oo u tartamaya guddoomiyenimada SONYO, iyadoo labadii maalmood ee loogu talogalay aanay mar keliya si midaysan ergooyinku u fadhiistaan hoolka madasha shirweynaha marka laga reebo waqtigii furitaankiisa ee masuuliyiinta ka qaybgashay khudbadaha ka jeedinayeen.
IMG_5869Khilaafkan oo ubucdiisu la xidhiidho laba ergay oo ka socda urur magaciisa lagu sheegay SEEYO oo ka jira Gobolka Sanaag oo ay isku haystaan ururrada ka dhisan gobolkaasi ee ka soo kala jeeda dhallinyarada bariga iyo galbeedka Burco, kuwaasoo ururradoodu kala taabacsan yihiin labada
murrashax guddoomiye oo iyaguna u kala dhashay gobollada Hargeysa iyo Awdal.
Isku dayo dhawr ah oo kooxo guddiyo
is-xilqaamay ku dhex-galeen daminta khilaafkan shalay, ayaa soo jeedimo kala
duwan oo ay dhex-dhigeen dhinacyada iska soo horjeeday ay dhammaantood
guuldarraysteen, kadib markii lagu wada qanci waayey.
Hase ahaatee, xubnaha golaha sare ee hoggaaminta dalladda oo
soo dhex galay khilaafka madasha shirku socday oo cakiran, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in gebi ahaanba shirweynaha 7aad si ku-meel-gaadh ah loo xidhay muddo aan loo cayimin.
IMG_5871Khilaafka iyo kala qaybsanaanta shirweynaha SONYO oo socday ilaa cawaysinkii xalay oo si rasmi ah loo xidhay shirka, kadibna qayb ka mid ah ergooyinku ku hadheen madasha, isla markaana ku andacoodeen inay doorteen gole sare oo aan sharci ahayn.
Geesta kale, shir-jaraa’id oo xubnaha hoggaanka sharciga ah ee dalladdu ku qabteen xafiiskooda magaalada Hargeysa xalay, waxa ay tafaasiil kaga bixiyeen sababaha keenay inay xidhaan shirweynaha 7aad ee SONYO, iyagoo sheegay in gelinka hore ee maanta la isugu iman doono kulan lagaga arrinsanayom xallinta khilaafka hakiyey shirweynaha oo muddo laba maalmood ah ku jiray jaha-wareer iyo kala-qaybsanaan xooggan oo ka dhex dillaacday ergooyinka ka
qaybgalay.
Waxa kaloo xubnaha hoggaanku waxba kama jiraan iyo
sharci-darro ku tilmaameen go’aan koox ka mid ergooyinka shirweynugu ku
sheegeen inay ku doorteen golaha sare ee hoggaaminta SONYO, tallaabadaas oo ay
ku sifeeyeen mid xadgudub ku ah distoorka dalladda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here