SICIR-BARAR: Xukuumaddu Dembi Ay Leedahay Yaanay Muwaadiniinta Dusha Ka Saarin !!

0
29

Dulucda qoraalkaygan waxaan jecelahay inaan si kooban ugaga hadlo arrimaha maalmahanba taagnaa ee sicir-bararka naafeeyay bulshada Somaliland waxa u sabab ah, xukuumadda Somaliland ee maanta jirta.

Waqtigii uu xilka la wareegayay maamulka Madaxweyne SIilaanyo, waxay shaqaalaha dawladdu mushaharka ku qaadan jireen  lacagta shanta Shilin, Kontonka Shiling iyo Boqolka Shiling oo maamulkii Madaxweyne Riyaale ku wareejiyay dawladda talada haysa xilligan.

naasir gargaarSicir-bararku maanta u kow maaha Somaliland, balse wuxuu ahaa wax soo jireen ah oo tan iyo intii dalka la soo galayba jiray, inagumana cusba. Waqtigii Madaxweyne Cigaal dalka ka talinayay uu lacagta Somaliland soo daabacay Sicir-barar baa dhacay oo shirkado badan oo sabab u noqday in albaabada loo xidho, waqtigaas oo qiimaha halka doollar 700 oo Shilling Somaliland, sidii uu isku bedbedlayay ee maalinba maalinta ka dambaysa uu kor u dhaafay waqtigii xukuumaddii Daahir Rayaale uu ahaa 6200 oo Shiling.

Lacagi waxay qiimo yeelataa, marka uu Shilling-keeda u hooseeyaa shaqeynayo, waxa dhacday in muddo laba sannadood gudahood ah maamulka Siilaanyo ee talada hayaa sannadkii 2013 ay soo daabacday lacagta (Nord-ka) ee 1000 Shilling iyo 5000 ee Shilling oo aan cadadkeeda la garanayn inta ay ahayd, iyadoo muddooyinka 2013, 2014, 2015 iyo 2016 la soo daabacay lacag, taasina ay ku keentay inay dabar-go’do lacagtii Nord-kii yareyd ee hore ay u isticmaali jireen xukuumaddihii ka horeeyay.

Sidoo kale, waxay lacagtu qiimo iyo sharaf yeelataa, marka ay dadkeeda iyo dawladdeeduba ay aaminsan inay keyd u dhigtaan, laakiin marka maanta la eego marxaladda taagan waxay taasi gabi ahaanba hawada ka saartay in bulshadii Somaliland ay qasnadaha ku keydsan weydo lacagtoodii shillinka ahayd, halkay ku bedesheen Dollar.

Dal kastaaba lacagta uu leeyahay ayay bulshadiisuna isticmaashaa oo ay wax ku kala iibsataa, maanta marka la eego bulshadeena Somaliland waxay wax ku kala iibsataa lacagta dollarka ah, haddii guri la kireysanayo, haddii lacag iskuul la bixinayo (Fee), haddii bakhaar wax laga iibsanayo, haddii uu hudheel wax laga cuno, haddaad bacadlaha wax ka iibsanayso, xataa haddaad koob shaaha cabbayso waxa lagu iibiyaa Doolar, markaa waxa meesha ka baxay maamuuskii iyo qiimihii lacagta dalku lahayd.

Tusaale ahaan, Wasiirrada Somaliland, Baarlamaanka, Agaasimeyaasha iyo madaxda dalka, lacagta Somaliland ee ay mushaharada ku qaataan waxay ku bedeshaan doolar, halkii ay lacagta Somaliland gayn lahaayeen guryahooda ama ay ku keydsan lahaayeen Baanka dawladda iyadoo shilling Somaliland ah.

Anigu waxaan ahaa shaqsiyan waqtigii Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal talada dalka la wareegay ee baanka Somaliland la furay 1993, waxaan ahaa qofkii u horeeyay ee ku aaminay hal bilyan iyo laba boqol oo kun (1,200,0000), isla markaana dhigay baanka dhexe ee Somaliland, taasoo aan u horseedayay si looga shaqaysiiyo baanka dhexe ee dalka, iyadoo waqtigaana hub-ka-dhigis lagu jiray, iyadoo aanay dadka intooda badanna aanay aaminsanayn dawladnimada, halka maanta wasaaradaha Somaliland ay baanan gaar loo leeyahay ay lacagtooda dhigtaan, iyadoo uu baanka dhexe ee Somaliland leeyahay qaybta la dhigto lacagta adag. Markaa waxa masuul ka ah qiimo dhaca lacagta Somaliland maamulka madaxweyne Siilaanyo, sababtuna waxay tahay inuu meesha lacagtii nord-kii shanta shilling, tobanka shilling, labaatanka shilling iyo kontonka shilling ee masuuliyadeeda ay ku wareejisay xukuumaddii ka horeysay ee uu hogaaminayay Daahir Rayaale, halka uu dembiga sicir-bararka iyo qiimo dhaca lacagta Shilling-ka shirkadaha bixiya adeegyada ZAAD iyo E-DAHAB laga saarayo, balse adeegga labadan shirkadood ay bulshada reer Somaliland u sahleen in tiro badan oo ka mid dadka danyarta ahi inay nolol maalmeedkooda kaga helaan eheladooda ku sugan dalka iyo dibaddiisaba, kuwaasoo si fudud, isla markaana waqti kooban ku hela hadba xadiga lacageed ee ay u baahan yihiin.

Sicir-bararka ayaa ah mid aan ku koobnayn Somaliland, isla markaana aan sabab looga dhigi karin shirkadaha bixiya adeegyada telefoonada ee la isugu diro lacagta, balse sannadihii u dambeeyay waxa si isdaba joog ah caalamka looga dareemayay sicir-bararka iyo kor u kaca lacagaha adag ee adduunka wax lagu kala iibsado.

Tusaale ahaan, waddanka Ingiriiska maalintii uu ka baxayay midawga Yurub (Brexit), waxa uu ahaa saacadihii lagu dhawaaqayay go’itaanka halka Pound 1.6, halka uu maanta marayo 1.25, taasi waxay muujinaysaa inaanay adeegyada loo nisbeeyay sicir-bararka dalkeena ka jira ee ZAAD iyo E-DAHAB aanay sababin, balse ay tahay mid guud ahaan saamayn ku leh caalamka, lagana dareemayo waddamada adduunka kuwooda ugu horumarsan ee leh warshadaha wax-soo-saarka, iyadoo uu dalkeenuna yahay mid aan waxba laga dhoofin, isla markaana aanay ka jirin haba yaraatee wax-soo-saar warshadeed.

Su’aasha is-weydiinta lihi waxay tahay, maaddaama oo ay amar xukuumaddu soo saartay ay shirkadihii aqbaleen, heshiisna aad wada gaadheen, qiimihii doolarka ee marayay halka doolar 8300 oo shilling, maantana uu marayo 7000 oo shilling, iyadoo adeegyadii ZAAD iyo EDAHAB aanay waxba iska beddelin?

Ugu dambayn, Madaxweyne dembi masuuliyadeeda ay leedahay xukuumaddu, may ahayn inaad saarto in aad shirkado muwaadiniin oo dalkooda maal-gashaday, isla-markaana hirgeliyay adeegyo casri ah oo fududeeyay nolosha bulshada danyarta ah.

Waxaan ku soo gebogabeynayaa, anigu waxaan ahay Muwaadin ka damqaday Xaaladda uu marayo Sicir-bararku, laakiin Shaqaale uma ZAAD, E-Dahab iyo Dawladda Toona.

Qore: Naasir Saleebaan (Naasir-Gargaar)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here