“Sida Uu Noo Sheegay Guddoomiye Faysal Wuu Ka Dhaartay Arrimaha Qaarkood Ee Lagu Tuhmahayo Kulanka Farmaajana…..”

0
1

Xisbiga UCID Oo Sheegay In Dhiggiisa WADDANI Si Qaldan Bulshada Ugu Fasiray Arrimihii Faysal Cali Waraabe  Kala Hadlay Farmaajo

 

Hargeysa (Hubaal) –  Xisbiga Mucaaridka ee UCID, ayaa    guddoomiyahooda ka difaacay eedaymo uga yimi dhigooda  ee  WADDANI, kaasi oo naqdiyey kulankii uu Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Dr. Cali Khaliif la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Guddoomiiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka ee UCID md Cabdinaasir Muxumed (Buuni) oo shalay Xarunta dhexe ee xisbigooda UCID Hargeysa ku leeyahay Saxaafadda kula hadlay, ayaa si dhinaca kale waxa uu ku dooday inay arimo badan oo siro ah oo Jamhuuriyadda Somaliland u dan ah ka soo baxeen kulankii Madaxweynaha Somalia md Maxamed Cabdilaahi Farmaajo , Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Prof. Cali Khaliif Galaydh ku dhex maray magaaladda Bruccelz ee dalka Belguim ka balse marka ay weftiga Faysal Hargeysa ku soo laabtaan shacabka Somaliland la wadaagi doonaan arimaha laga wada hadlay.

 

Md Cabdinaasir Muxumed (Buuni) oo ugu horeyn beeniyey eedaymihii Guddoomiyahooda Faysal Cali Waraabe uga yimid hogaamiyaha Waddani md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu yidhi “Umadda Somaliland waxaanu u sheegayna Xisbiga UCID maaha xisbi mar walba ku foogan kala qaybinta bulshadda reer Somaliland sida Xisbiyadda qaarkood ay mar walba mashquul ku yihiin kala qaybinta bulshadda reer Somaliland umana yaqaanaan taageerayaashayada xisbiga UCID dalka Jamhuuriyadda Somaliland Jeegaan iyo Giraan , maaha UCID xisbiga bixiyey kelmaddaha foosha xun leh ee maanta cadawga Somaliland uu dibadda kaga hadaaqo oo noqday kelmado nabar xun Somaliland ku noqday oo ay isticimaalaan cadawga Somaliland ka soo horjeeda balse nasiib daro waxa bixiyey walaalahayaga xisbiga Mucaaridka ee (Waddani), guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe maaha shaqsi looga baqo qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland, waana masuul ku caan baxay u adeegida shacabka Somaliland iyo qaranka Somaliland wakhtigiisa oo dhana u hibeeyey ilaalinta iyo difaacista Jamhuuriyadda Somaliland sido kale guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu u mahadcelinayaa dhamaan shacbi waynaha reer Somaliland ee taageerada buuxda la garab istaagay guddoomiyahooda Faysal una muujiyey kalsoonida buuxda ee ay u qabaan, waxa xusid mudan intii uu saaxadda siyaasadda iyo Axsaabta Xisbiyadda ku jiray Guddoomiye Faysal in uu yahay kol kasta oo xaalad qalafsani soo food saarto in uu ahaa qofka kaliya ee ku suntan in uu xaaladdahaasi ka saaro qaranka Somaliland”

Guddoomiye Buuni oo hadalkiisa sii wata waxa uu cadeeyey in Madaxweynaha Somalia md Maxamed Cabdilaahi Farmaajo isagu marti qaaday kana codsaday in uu Faysal iyo Cali Khaliif kulan la qaato ee aanay iyagu dalbanin Belgiun-kana u tegin inay la kulmaan waxaanu yidhi “Guddoomiye Faysal sidii uu hore Saxaafadda uga sheegay kulanka uu madaxweyne Farmaajo la kulmay ma ahayn kulan ay isaga iyo Prof. Cali Khaliif Galaydh dalbadeen, balse madaxweyne Farmaajo ayaa dalbaday iyaga ta lafteeda waxaanu u aragna iyo sharaf wayn tahay in uu maanta Farmaajo Somaliland raadiyo , waxaanay ku timid qaranimaddeena Somaliland halka aynu ka istaagnay iyo mabaadiida aynu istaagnay xisbiyo ahaan iyo xukuumad ahaanba inaga oo mid qudha, kolka kulanka Faysal iyo Cali Khaliif ay la yeesheen waxa uu ahaa mid madaxweyne Farmaajo dhiniciisa ka yimid wuxu isagu rabayno uu inoo sheegay inaguna waxaynu kala hadalay sida uu guddoomiyuhu noo sheegay arimaha Somaliland, waanu ka dhaartay guddoomiyuhu arimaha qaarkood oo lagu tuhmay”

Md Cabdinaasir Muxumed (Buuni) ugu dambeyntii waxa uu inta ku daray in aanu jirin meel Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal kaga qaybgalay Shirka Brussels dhaqaalaha loogu ururinaayo waxaanu yidhi “Mid kalena hadii aan xisbi ahaan cadayno, Shirkii Somalida loogu qabtay magaaladda Brussels ee dalka Belgium ee dhaqaalaha loogu ururinaayey Somalia, runtii kamay qaybgelin Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Prof. Cali Khaliif Galaydh balse waxay halka u tageen inay Beesha Caalamka ee halka iskugu timid ay ka dhaadhiciyaan cadaadisna ku saaraan in aanay Jamhuuriyadda Somaliland ka qayb ahayn dhaqaalaha halka Somalia loogu ururinaayo isla markaana ay sido kale garab istaagaan dawladdaha daneynaaya in aan Somaliland waxba loogu darin wixii dunidu halka ku sinayso Somalia ee gaarkeeda loo siiyo qaranka  Somaliland, marka Faysal iyo Galaydh waxay Bruccels u tageen iyaga oo shirka aan lagu casuumin kana qaybgelin inay culays hadana wixii karaankooda ah ku saaraan madaxda iyo dublamaasiyiinta dalalka caalamka ee halka iskugu yimid intii ay la kulmi karaan, xaqiiqdiina kulanka ay Farmaajo la yeesheen wax aka soo baxay xogo badan iyo Siro badan oo dalka Jamhuuriyadda Somaliland khuseeya waxaana Faysal iyo weftigiisu marka ay yimaadaan u sheegi doonaan umadda Somaliland xoga rasmiga ah bushaarooyin wanaagsan ayey reer Somaliland u tahay”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here