Sidee Hargeysa Looga Dareemay U Diyaar-garawga Dabaal-degga Ciidul-fidriga

0
39

Hargeysa (Hubaal)-Magaalada Hargeysa ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garow xooggan oo loogu jiro maalinta Ciidul Fidriga, iyadoo Suuqyada Hargeysa ay yihiin kuwo saxmad badan oo dadku meel ay kala istaagaan adag tahay in la helo. ciidaSuuqyada Magaalada ayaa waxaa soo buux dhaafiyay Caruur waalidiintooda gacmaha haysta iyo dhalinyaro ka dukaameysaneysa si ay isugu diyaariyaan maalinta ciidul fidriga oo ah maalin ku weyn Muslimiinta. Suuqa weyn ee magaalada Hargeysa ayaa marka aad u dukaameysi tagto waxaa adag meel aad cagta dhigto cidhiidhi awgii. Ganacsatada ayaa wadooyinka soo dhoobay dhar kala duwan, kabo, iyo alaabaha ay caruurta ku ciyaaraan oo dalka China laga keeno. Diyaar garowga ciidda ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba magaalooyinka Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here