SILANYO: LIB GADKA IYO ABAAL LI’IDU WAA LOW U GOONIYA

0
26

SILANYO: LIB GADKA IYO ABAAL LI’IDU WAA LOW U GOONIYA

Madaxwayne Silanyo kolka uu wasiir Sacad Muuse ah ka tuurayo golihiisa wasiirada nin ka geesisani ma jiro. Waxa u CAADO ah in uu si fool xun oo bahdalaad iyo quudhsi ku jiro goor aan habeena ahayn maalin na ahayn uga soo tukhaatukhiyo golaha. Ixtiraam daradiisa Dr Maxamed Cabdillahi bal eega sida uu u soo madluufiyay wuxu u quudhi waayay xataa in uu warqad u qoro oo wuxu ka eryay warbaahinta. Inamada adeerka uu u yahay ee dalka rogay marka ay tahay kuma dhaco haduu soo hadal qaado na waxa looga yeedhaa ama lagala soo hadlaa bariga Burco oo ma taaban kartid inanka la yidhaa ilayn waa nin tol lehe, markaasuu isagoo bawdyaha isla dhacaya oo gariiraya yidhaa haye haye.

Cali-Guray11

Maxamed Cabdillahi sidii uu ula soo shaqeeyay Madaxwayne Silanyo waynu wada og nahay ha bedelo eh waxay ahayd inu si sharaf leh oo maamuus leh uun xilka uga qaado hadii uu nin goba yahay . Axmed Silanyo weligii cid abaal uma gelin abaal loo galay na weligii ba ma gudin. Waxa ayaan daran dadka daacadda ah ee weli qof jira u haysta. Intay goori goor tahay mid midka roon ee golihiisa ku sii hadhay waxa haboon inay iska casilaan oy ka fogaadaan ilayn kolay wax uu iyaga ka dhegaysanayaa ma jirto eh. Ha isugu hadhaan xulkiisa gun gunaafka iyo geed xunka iyo tuugta iyo guulwadayaasha ihi ye.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here