Sixun U Sheeg Sixir Ka Daran!!!!! W/Q: Maxamuud Carraale

0
51

Waxaan arkayey dad baraha lagu kulmo, oo ay ku jiraan rag maamus bulshada ku dhex lihi, in ay soo geliyeen qoraalo, faalooyin iyo video la farsameeyey oo hadal uu Suldan Maxamed Suldaan Abdiqaadir ka jeediyey ambabaxiisii Garowe oo aan dhamayn si khaldana uga falcelinaya, dadkaasoo u jeedo aan caafimaad qabin kalahaa faafin taas qaar koodna ayna fahansanayn dulucda weedhaha Suldaanka. Dadkaasi waxay dhinac qaldan u la kaceen weedhihii koobnaa ee hadalkii suldaanka iyagoo kala dheegay oo farsameeyey muuqaalka video-ga.

Weedhahaa kooban ee Suldaanka waxay nuxurkoodu ahaanyeen:-

  1. Dawladda Somalia iyo xuduudaha ay u samaynayso degaanada [federal states] oo uu faragelinteeda ku dhaliilay Suldaanku oo uu yidhi, “maaha in dadka isku degaanka u gacan dhaafto qaabka ay ku heshiinayan,” waayo buu yidhi, “colaad uun bay sii abuuraysaa halkii ay dadka Iskaga keening lahayd.
  2. Waxa u sheegay Suldaanku in uu Boqor Burhaan martiqaadi doono Madax dhaqameedka Somaliyeed isna uu ka aqbalay Suldaan ahaan.
  3. Waxa uu sheegay in Umadda Somaliyeed [Shanta Somaliyeed] meel ay joogaaba mid uun tahay
  4. Wuxuu ka hadlay fududaynta isku socodka Ganacsiga ku dhiban kaantarooladda Xukuumadaha ee cashuurta laba gacmoodka ka ah la saaraaya.
  5. Waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay in uu ka hawl geli doono sidii looga gudbi lahaa mashkiladda cashuuraha Gaadiidka xuduudaha lagu saaro marka lagu soo cashuuro dekadaha [Bosaaso/Berbera].

Haddaba arinkani ay cid gaar ahi durbaankiisa tumaysay ee xiganaaya muuqaal ka la soo garoocay waa mid cid gaar ahi alleemadiisa tumayso, waxaanan filaaya arin hinaase iyo is muujin ku lug leh yahay madaama ay hore u maqleen in madax dhaqameed ka tirsan Puntland uu Suldaan Mohamed Hargeysa ku marti qaaday.

Marka aynu dib ugu noqon qodobada sare wax dhib iyo hagardaamo ah oo Somaliland ugu jirtaa aniga iiga ma muuqato. Waxaa inaga quseeya laba qodob waa ta marti qaadaadka madax dhaqameedka oo uu aqbalay Suldanku. Mida kalena a waa fududaynta isu socodka badeecadaha ganacsiga ( Goods in movement).

Waa ta kowaade maxaa Siyaasad iyo dhibato ah ee ku jira in ay madax dhaqameedka Somalidu kulan yeeshan oo ay helaan furaha nabada, maxayse madax dhaqameedka Garowe lagu casuumaa kaga duwan yihiin kuwii Xamar ka yimid ee aan Hargaysa ku casuunay, mise warka Suldaan Maxamed ayaa cid gaarii u finiig leedahay oo meesha anna waykan ayaan ka madhnayn.

Waa qodobka isu socodka badeecadahe yey dhibato ugu jirta in la fududeeyo, yaa dan gaar ku qaba cashuuraha xad dhaafka ah ee maamuladu saarayaan badeecadaha, ma cidbaad ka cabsi qabtay in dekedda Berbera looga guuraayo Boosaaso, haddii cashuurta meesha laga saaro. Xagee bay ka ursadeen hadalka Suldaanka raga Suldaanka ku eedaynaaya Khiyaamo Qaran.

Miyaanad la socon in dadka degaan cidhifyafda ee wadamada deriska sida Djibouti iyo maamulka Puntland in ay cashuurta bedecaddaha dhib weyni ka haystado. Horaa loo yidhi, “Lax dhunkani abaar moog, rah qolof qunbe hadhsanayaana caalamka kiisu waa intaa uu hoos joogo, aduunkalena wax kama oga (durkaanka uu wax ka gato iyo dekedda Berbera- haddii la doono la jiifiyana banaan ah- wax u dhaxeeya ma jiryo).

Waxaynu la soconaa in Wadamada deriska ahi meelo badan oo caalamka ay leeyihii qaab ay ku maamulkaan badeecadaha u kala gudbabayaa Xukumadahooda, heerarna ay kala leeyihiin iyo magac bixin si loo sahlo wax is dhaafsiga iyo u kala socodka badeecadaha ( free market policy) iyaga oo loo danaynaayo shacabka, xaddaa haddii ayna siyaasiyan isku ugu sin banaanayn, marba haddii bad iyo dhulkuba isku furan yahay oo aan Xukuumadan la kala xidhan.

Durbaankaas abaabulan ee laga dhexwaddo social networks iyo meel kale waxaa hormood u ah Suldaan Xasan Abdillahi oo kicinayaa dhalinta qooskiisa isaga oo si khaldan wax ugu sheegayaa,. Dhawaan bay ahayd markii uu lahaa Suldaan Maxamed kama hadli karo Berbera oo ah hanti umadeed oo aan cid gaar ihi lahayn, waa ujeedda hadalku u dhacaayaye. Maantana malaa Suldaan Xasan waxba kuma aha in uu yidhaa Suldaan Mohamed Hargeysa cid kuma casuumi karo ( Ma odhan laakiin waa surtogal).

Hirka uu ka hadlay Suldaan Mohamed wuu ka dheeryahay in qof meel soke wax ka arkaa uu hilaadiyo, wuxuu ka hadlay aragtidda Dhaqan dhaqaale iyo Ganacsi furfuran iyo nabadayn umadeed. Kamuu hadlin wax la yidhaa ka noqosho Qaranimo iyo burburin Somaliland toona. “Dhankaan ka hadlay waa kaa Qamaan dhaafay hadalkiiy”, waxaa ka dhigan suldan Xasan oo qoraalkiisii ku qaarda jeexay dhalin badan oo uu jiifbisayna isla helay.

Sultan Hassan Abdillahi ma sugin intuu Suldaan Maxamed madax dhaqameedka Somaliland la wadaagaayo xogtuu hayo ee uu la soo guryo noqday ama ay weydiinayaa iyaguba. Wuxuu se la booqday muqaal farsamaysan oo waxba, ama waaweyn, laga soo dhex saarayn. Horaa loo yidhi layligu biyaha kalkiisa ku jiruu ka didaa.

Waxaan ku soo gunaanadayaa wixii dalka dhaqan ahaan u dan ah go’aankeedu wuu idinka wadda go’aa madax dhaqameed ahaan, khaasatan markay arinku Hargeysa taagan yahay. Suldaan Suldaan aflagaadeeyeyna isba waa dhooqaysan yahay.

Golaha salaadiinta kaga wada tashashadda wixii dhib iyo dheefba soo kordha oo durbaanka caruurta aflagaadoonayaa ka daa.

Wa Billaahi-Taw-fiiq

Mohamoud AW Hassan Arrale

Mohamoud AW Hassan Arrale
Mohamoud AW Hassan Arrale

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here