HUBAALMEDIA.COM
“Siyaasadda iyo siyaasiga Maantu Isma Oga” W/Q: Maxamed Jaamac Ciise [Buraalle]
September 28, 2016 - Written by Mustafe Faro

Siyaasiga aflaxaa waa hogaamiyaha fiican ee doorashadda kelmadahiisa iyo hadalkiisa aad u ilaaliya, waayo inaad noqoto hogaamiye fiican waa in aad xoogaa cabsataa oo hab dhaqankaaga iyo saamaynta qudbadahaagu noqdaan qaar qurux badan oo kugu tukhaan tukhinaya kasbashadda taageeradda iyo kalsoonidda shacabka, si loo gaadho hadafka iyo meesha safarka loo yahay ee socodka siyaasigu ku egyahay, oo ah  kuraasta kala duwan sidda, Wakiiladda, Deegaanka, Odayaasha iyo Madaxweynenimadda.

Siyaasadu waxay u baahantahay aqoon iyo af diblamaasiyadeed oo soo jiidan kara dhamaan bulshadda go,aaminaysa guusha iyo guuldaradda oo siyaasiga looga baahanyahay siddii uu ummadda naftiisa aga iibin lahaa, ee bal isku suuq-geyn lahaa, si loo barto waxa uu galo iyo waxa uu gudo iyo tayooyinkiisa gaarkaa ee ilahay hibadda u siiyey.  Inkasta oo aqoonta la bartaa qofka bili-aadamkaa xoogaa qurxiso oo quweyso, hadana aftahannimadda, deeqda, doodda, daacadnimadda iyo hogaaminta suubani waa mid ilahay qofka u dhaliyo oo ilahay marka horeba qayb uu u siiyey qofka.

buraalleSiyaasadu waa maro baftaa ama maraykaani ah oo dhinaca siyaasigu ka joogaa ay aad u uskag badantahay, halka dhinaca bulshadda xigtaa ay aad u nadiiftahay oo shacabku ay arkayaan weedhaha ku dhisan balanqaadyadda iyo waxqabadka oo mararka qaarkood ay qaar sidda xunbadda gudhaan oo la waayo.  Waayo waxay noqdaan arimo suuragelintoodu ay keeni karto burbur iyo laciifid dhaqaale oo xididda u siibi kara habsami u socodka maamulkaasi curdinkaa ee la doortay.

Markaa waxay keeni kartaa in siyaasigu maslaxadda ugu fiican qaato, isagoo aan taageerayaashiisa ayna badankoodda kala xidhiidh furan.

Nina siyaasi ma noqon karo haddii quluubtiisa ay ku jirto qabyaalad iyo kala qayb qaybin bulshadda, waayo shacabka waxay leeyahiin awood aad u saraysa oo ay ku fahmi karaan siyaasiga xun iyo beentiisa, waayo maha qof meel loogu soo hagaago ee waa qof aad u isbebedel badan oo afkiisa iyo colooshiisa aanu jirin xidhiidh qoto dheer oo ka dhexeeya, arintaasina waxay keentaa in ilahay goobo badan ku fashilo oo bulshadda ay si rasmiya ugu iftiinto mawjadaha kala duwan ee dhex mushaaxaaya siyaasiga xun oo si toosa isu burinaaya, isla markaasina keenaaya fashilaad iyo aamin la,aan, laba aamini waayo oo dadku ay garan waayaan doorkiisa hogaamineed oo dhaxalsiisa taageerayaasha guul daro weyn, kala shaki iyo kaalin xun oo bilaale aan caadayn.

Siyaasadu aargoosi iyo ciqaab midna maha, ninkii ku sifoobaana waxa uu ku danbeeyaa halkii ay ku danbeeyeen siyaasiyiintii carbeed ee magacyadoodda aan wada garanayno.

Siyaasiga waxaa looga baahanyahay furfurnaan, bashaashnimo, cadaalad, sinaan naftiisa ka bilaabanta, isla markaasina u gudubta bulshadda kale si uu ugu yeesho saaxiibo badan iyo taageerayaal ku doorta shaqsiyad iyo habdhaqan saafiya oo khayrkii sudbursi iyo mudnaan isaga guushu siyar ugu cugato sahal.

Maanta tuunbadda Siyaasadda Somaliland waxaa ku soo jira rag aad u badan oo hunguri iyo rajo ka hayso siddii ay Urur siyaasiya ay musharax madaxwayne ka noqon lahaayeen. Arintaasi oo ka dhigaysa in doorka asxaabta Qaranka Somaliland mar kale sidda quraaradda kookahaa loo luxo oo bulshadu siyaabo kale isugu guur guurto ama isugu xindhanto, iyadoo aanu marnaba waxba helayn siyaasiga faashilkii,

 cabirkaygani waa qiyaasta saxdaa ee aan ka helaayo maankayga (correct assessment).

     Hadaba

 waxaa hubaala inay jiraan rag badan oo siyaasiyan (blank file) ah  oo weli si dhaba u aqoonsan doorkoodda siyaasigaa iyo kalsoonidda ummadda ay ka helayaan intay leegtahay, aniga oo aan cidna si toosa farta ugu fiiqayn, waxaan leeyahay nin walowba orodka fagaxdda ah ee Siyaasadda halka aad ka geli karto inaad taqaanaa waa mahiim, ka hor inta aydaan rag is mudan, waayo waa la saadaalin karaa oo miisaanka iyo kefedda ayaa la saari karaa, nin weliba qiimaha uu ka joogo suuqa iyo sayladda taageeradda dadka. Bulshadda reer Somalilandna waxaan leeyahay oo aan ku boorinayaa in balankeenu yahay Siyaasiga codkaaga u qalma in aan la qadin oo tayo iyo tamari shaqayso weeye

WAA:QALINKII:BURAALE JAMA ESSA

EMAIL:BURAALE_JAMA@HOTMAIL.COM

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews