HUBAALMEDIA.COM
Siyaasi Heshiiska Ay Kala Saxeexdeen Xukuumadda & Kooxda Cali Khaliif Ku Maseeyey Hal-ku-dheg Laga Guntay Jaajaale reer Koonfureed Ahaa
June 19, 2017 - Written by Mustafe Faro

 “Khaatumo Waxay Soo Dhawaysay Ololihii Aniga Hore La Iigu Yaqaannay Ee Ahaa……” Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye

““Jirde Xuseen Markuu Daarta Xamar Ka Dhistay Waa Tii   Ninkii Faarax Galoolley La Odhan Jiray  Uu Yidhi [Sartan] Walaxaa Ka Dhiman, Aniguna [Heshiiska Khaatumo] WAxaan Leeyahay Laba Walxood BaaKa Dhiman, Kuwaas Oo Kala Ah……..” “…Waxaan Xukuumadda Ka Codsanayaa In Heshiiskani Aanu Noqon Laab-la -kac Ee Waa In La Dhaqangeliyaa Oo Sidiisa Loo Fuliyaa….”

cabdiqaadir obsiiye

Hargeysa (Hubaal) –  Cabdiqaadir Cali Obsiiye, oo ah siyaasi madax  bannaan oo reer Somaliland ah ayaa niyad sami kamuujiyey natiijada heshiis ay dorraad Hargeysa ku kala saxeexdeen dawladda Somaliland iyo Kooxda uu hoggaamiyo siyaasi Cali Khaliif gallaydh ee Khaatumo kaasi oo kakoobnaa shan qoddob.  Cabdiqaadir Obsiiyeo oo shalay warbaahinta qaarkeed Hargeysa kula hadlay ayaa   soo dhaweeyey heshiiska dawladda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ku soo afjareen khilaafkii dhexyaalay ee mabda’a Somalilandnimadda layskula qaatay waxaanu talooyin u soo jeediyey inay Xukuumadda Somaliland fuliso heshiiskaasi oo aanu noqon mid dib u curdin dhadha. Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye   ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay heshiiska dawladda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ee uu hogaamiyo Prof. Cali Khaliif Galaydh, waxaanu sido kale soo dhaweeyey qodob ka mida heshiiska labada dhinac kala saxeexdeen oo ah in Dastuurka Somaliland dib loo furo oo qabyadda ka muuqata la dhameystiro isaga oo si gaara farta ugu fiiqay in dastuurka lagu xaliyo furitaankiisa tabashadda beelaha reer Somaliland goboladda Bariga dalka dega. Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiyo oo ka hadlaayey sida uu u soo dhaweynaayo  heshiiska dawladda Somaliland iyo kooxda Khaatumo ee Cali Khaliif Galaydh hogaamiyo waxaanu yidhi “Shirkaygan Jaraa’id waxa uu ku saabsan yahay wada hadaladan mudada soo socday iyo heshiiskan imika la gaadhay ee ay kala saxeexdeen Dawladda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo, runtii anaga oo ahayn wakhtigii tartankii doorashadda ururadda Siyaasadda ee 2012-kii aanu ka qaybgalay , wakhtigaasi waxaan ahaa siyaasigii ugu horeeyey ee soo jeediyey inay Somaliland Khaatumo wada hadal la furto, Illaahayba mahad leh, maanta waxaynu gaadhnay ama ku guulaysanay heshiis Somaliland iyo Khaatumo dhex mara oo galaan, bariga dhawaydna waxaynu lahayn ha la la furo wada hadal, runtii ka siyaasi ahaan ka reer Somaliland ahaan, waxaan si weyn u soo dhaweynayaa walaalaheena Khaatumo iyo siyaasiga weyn ee Prof. Cali Khaliif Galaydh ee Khaatumo hogaamiyaheeda ahaa, isaga Siyaasiyiinta la socda iyo dhamaan umadda deegaanadda Bariga Somaliland oo dhamaantood reer Somaliland aynu wada nahay waxaan leeyahay ku soo dhawaada dalkiina iyo dadkiina idinka ayuumba laydin sugaayey oo hada ayey Somaliland dhan tahay oo aynu wax wada qabsan karaynaa ee umaddiina iyo dalkiina wax la qabsada”. Cabdiqaadir Obsiiyo oo loo garan ag yahay Madaxweynaha Mustaqbalka ee Somaliland oo hadalkiisa sii wata Xukuumaddana kula taliyey inay fuliso heshiiska ay Kooxda Khaatumo la gashay waxa uu yidhi “Heshiiskan Dawladda Somaliland iyo Khaatumo waxaanu Illaahay ka baryeynaa waa bil ramaddaan ee in uu noqdo kii midho dhala ee dalka iyo umadda reer Somaliland anfaca in uu noqdo ayaanu ALLE ka baryeynaa intaasi waanu soo dhawaynaynaa, waxaanse leeyahay ninkii la odhan jiray Faarax Galoolay, ayaa Jirde Xuseen markii uu Daarta ka dhisay XAMAR ayaa waxa uu ku yidhi waar Daartaa Walax ayaa ka dhiman, anigu waxaan leeyahay laba walxood ayaa dhiman, labada arimood mid weeyaane waa tii aynu u ololayn jiray oo ah in Dastuurka la furo taasi oo ay Khaatumo-na soo dhawaysay oo ay Xaqoodu ku helayaan oo ay ku noqon karaan kuwo ku hela mustaqbalka Siyaasiga ee dalka iyo doorashadda soo socota dalka, maantana waxaanu leenahay dastuurka ha la furo sidii laygu yaqaanay horena ololahaasi in badan ayaa laga sugaayey, qodobka labaad wuxu yahay Somalidu had iyo jeer markay go’aan gaadho in aanu noqon mid guulaysta ama midho dhala, waana ta aan ka digaayo oo uu noqdo waxaasi sidii dadka marqaansan waa waxyaabaha ay Somalideenu u badan tahay oo dadka marqaansani guryo ayey dhisaan habeenkii inta marqaanku ku jiro maalintiina waa dumaa, heshiiska waxaan leeyahay ha adkeeyo ha la dardar geliyo oo ha la fuliyo oo yaanu noqonin heshiiskaasi mid halka looga hadho”.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews