Siyaasigii isku Caano Shubay

0
4

 

 

Qalinkii: – Cabdinaasir Yuusuf

 

 

Daal badan ayaa ka muuqda. Waxaa intaas u weheliya quus iyo niyadjab weyn oo kasoo gaaray doorashadii sida xilka leh looga adkaadey. Haa, doorasho uu habeeno badan u saamalaylay si uu khidadeeda udajiyo. Doorasho uu maalmo badan khudbado ujeedinayey barakacayaal aan cod lahayn. Wuxuu u soo balanqaddey  jaamacaddo heersare ah ayagoon dugsi hoose ba lahayn, dawo tayo leh iyo isbitaal casri ah ayuu u ballanqaaday, ayagoon cunno  ba uhaysan… yaboohyo aan waxba ugu toornayn ayuu kujalbeebaa, ayaguna kama daalaan inay sacabka utumaan. Is khiyaamid isweedaarsan dheh. Qoloba dan leh. Laakiin asagu ugu dambeyn sidii la filayay ayaa dhacday, wuu guuldarreystay. Wuxuu dareemaya in guuldarradu caadeysatay oo jaal la noqotay. Waa tii tira dhowr ah oo horena afka ciidda loo galiyey. Kama ay xishoon odayga oo xitaa cod qura ma ay siin doorkaan.

 

Labaatankii sano ee uu siyaasadda kujiray, hal mar na kursi kuma uu sarin. Markasta kuwa baas ayaa si xun uga adkaada. Si kasta uu habeeno ugu dhafro, ugu qayilo, ugu fikiro… isbedel maleh. Maanta ayay ba ugu darnayd oo uu codna waayay. Mowjaddo  fikiro ah ayaa kusoo qulqulaya madaxiisa. Si ku meel gaar ah ayay u kireysteen. Wax quus ka xeeldheer ayuu dareemayaa. Mar ayay kusoo dhacaysa in qumayo baas illeysatay oo ay kudhagantahay. Maya. Waa kii quraanka isa saaray boqolka goor. Waa kii xerta ku qayilsiiyey tuuladdii ee markii ay marqaabeen duco faraqa ugu shubeen. Guddiyadda doorashadda ayaa ka hinaasan oo u quuri la’ guul. Iska daa waa iyaga e. May. Waxbaa kuleh ‘guuldarraddu waa hidde. Aabahaa ayaad ka dhaxashay.’ Fikirkaan dambe ayuu ku qancay. Xaq ayuu uleeyahay inuu ku qanco waayo Aabihiis sidiisa oo kale ayuu siyaasi rugcaddaa ah oo  waligi aan guuleysan u ahaa. Jaramogi odingaha kiinyaba waxaa guuldarradda ka dhaxlay wiilkiisa Raila.

 

Waxaa dhagihiisa kusoo dhacaya hees ay ereyadeeda kamid yihiin; ‘ waa adigan se liitoo, leexadu kusidatee, maxaa luray naftaadii…’ si cadho leh ayuu u bakhtiiyey. Bac qaad ugu jiray jiray ayuu soo qaatay. Hortiisa ayuu bilqay. Mar ba laan ayuu feenasho ugu dhaqaaqay. Muskaxdiisii ayaa marqaankii gaaray, dabadeedna iska fooftay. Waxay hadba duni cusub dawaaftaba, fikir ay isku baahnaayeen ayay la kulantay. Laabta ayay galisey. Way marxabeysey. Illin farxadeed ayaa soo dhaaftay. Waxay ka qoomamaysey in kulankoodu soo daahday. Daf soo dheheen, odaygii oo bacdii la legdamaya waa kuwaa dalaq soo yiri. Waa ka asna sidii wax waalan hal haleelka u istaagey oo muraayadda hor istaagay. Tay ay dhib badan isla soo mareen ayaa qortiisa si habacsan uga lusha. Taygii ayuu camajuujiyey oo si caro leh isaga soo rujiyey. Koofi dhaqameed ayuu madaxa ku ciriiryay. Macawis iyo cimaamadna isku boobay.

 

Muraayaddii ayuu markale isku eegey. Caloosha oo xoogaa dabacday uun baa labiska kusoo bixin. Dhib maleh. Suun weyn  baa loo qaataa, buu isku sheegey. Saacadaas wixii ka dambeyseya wuxuu kaba ugashtay inuu isim u xuubsiibto. Waa inuu qabanqaabadeeda gala, waliba si dhakhsaha loogu caano shubaa. Laakiin waxaa ka horeysa inuu odayaal dhowr oo howsha la fulisa uu helaa. Maalintii ku xigtay, dhowr oday oo busaarad u afduubnaa baryahaanba ayuu soo furtay. Jeebabka ayuu sarif uga buuxiyey. Dabadeedna way ansixiyeen. Siyaasiyow guuldareystow guulu kuu dhawaa, ayuu niyadda iska leeyahay.

 

Bil gudaheed, waxaa loo safray meeshii beeshu taashay. Carraddii oo omos iyo abaaro kudhufteen ayay soo ballaysimeen. Ayaga saxalkaan dhacay iyo sebenkaan qof ba meel ka tuuray, dan weyn baa ugu jidha oo mucaarad badan la kulmi maayaan. Laakiin hal dhib ayaa jira; xoolo ma irmaana tuludna Alle haka dhigee. Caano siyaasigii hore lagu shubo maleh. Talobixin iyo wadatashi kadib waxaa la isla gartay in labaatan daasad oo caano liido ah lasoo gadoo la qaso dabadeedna lagu shubo. ‘caano waa caano’. Sidii baa loogu caana shubay.

 

Garaad, siyaasi-hore Dool Guuldarro waa Garaad buuxa. Ka raysay nag nagtii iyo tartankii doorashooyinka laakiin caqabad kale ayaa timid. Garaadnimadii waa uga gadmi weydey meel ka baxsan xulafadiisa. Meel kasta oo uu la tago Garaadkii reer Tuuryo ayaa ahay, waa lagu qoslaa. Waxaana la dhahaa Garaad Baxnaan miyaa tahay? Tani niyadjab ayay ku ridey. Wuxuu dhibsaday Garaadkaan baas ee meel walba laga yaqaan. Ictiraaf raadin ayuu albaab walba u garaacay. Ugu dambeyn wuxuu heley talo kale, raggii wax ka jaf jafan jiray ee u ololeyn jiray ayuu ka codsaday meel kasta oo Garaadka kale lagu sheego muran dhaliya, magacaygana sheega waa intaasu dadka aan I aqoon igu bartaane.

 

Toban gu’ ayaa kasoo wareegtay, markii uu isku caano shubay walina wax isbedel ah iyo aqoonsi ma hayo. Marka laga reebo koofiyadda bidaarta kasoo saartay iyo macawista ku nasisey surwaalkii uu kutaagnaan jiray. Sidii buu wali guuldarro ugu jiraa. Sidii buu wali aqoonsi aan la aqoon meel uu jiro u raadinayaa. Socodkiisii siyaasiga ahaana ka tag kii Garaadnimadana gaari waa. Dhex ayuu ku hagaasay. Awoodiisiina waxay kusoo koobantay; xiqdi, xassad iyo jalaafo uu la jeclaado Garaadka iyo nabadoonadda reerka oo dhamaantood ayaa gaashanka ku dhuftay wixii uu soo dhoodhoobtay. Waxay kasoo qaadeen ey ciyay. Tani ugama rayn Garaadkii isku caano shubaye, meelo bukay bay sii bololisey ilaa warkiisii ba la waayaya.

 

Cabdinaasir Yuusuf

igalmohamed1@gmail.com

 

SHARE
Article horeDhambaalkii Dilaaga
Article soo socdaKuusha iyo Adeegsigeeda
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here