SOLJA Oo Ka Hadashay Shaqo-ka-joojinta lagu sameeyay Wariyeyaal ka Tirsan Wasaaradda Warfaafinta

0
29

Hargeysa (Hubaal) Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlay wariyeyaal tiradoodu dhan tahay 24 wariye, oo wasiirka wasaaradda warfaafintu ku sameeyay shaqo ka joojin, kadib markii ay warbaahinta lasoo hor istaageen cabasho ay muujiyeen iskushaandheyn wasiirka wasaaraddaasi ku sameeyay hawl-wadeennada wasaaradda, taasi oo ay ku tilmaameen, mid caddaalad ku salaysnayn.

war-saxaafadeed SOLJA soo saartay oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Hubaal ayaa u lagu yidhi sidan;

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo Ixtiraamaya shuruucda kala duwan ee Dalka ee ay ku aasaasan yihiin hay’addaha kala duwan ee Qaranku, waxa uu isagoo eegaya masuuliyadda ka saaran Difaaca iyo Horumarinta Saxaafadda ugu baaqayaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta inay dibu-eegis ku samayso go’aanka Shaqo ka joojinta iyo Anshax marinta ah ee ay ku riday 24-ka mid ah shaqaala weynaha kala duwan ee waaxyaha wasaaradda Warfaafinta.

Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa khilaafyadda kala duwan ee ka taagan wasaaradda Warfaafinta iyo Shaqaalaha inay haboonayd siyaabo kale in lagu xaliyo, hase yeeshee go’aanka imika la qaaday  ee ah Shaqo ka Joojin iyo Mushaharka oo laga jaro wuxuu  culays ku yahay shaqaalaha iyo Qoysaskoodaba oo qaata Mushar aan ku filnayn.

Ururka SOLJA, waxa uu in badan Isha ku hayey khilaafyaddii kala duwanaa ee sidan oo kale u dhex maray masuuliyiintii kala danbeeyey ee wasaaradda soo maray iyo wariyayaasha ka hawlgala, waxaanay dhamaantood ahaayeen kuwo ka dhashay nidaamyaddii  ay ku maamulayeen xukuumaddihii kala danbeeyey oo mar walba keenayey Muran.

Laga soo bilaabo Xukuumaddii UDUB ee Yagleeshay Telefishanka Qaranka Somaliland, waxa isa soo tarayey in kolba xukuumadda talada qabataa keenaysay Awaamiir ay nidaamka Maamul ee wasaaradda wax kaga bedelaysay, iyadoo Maamulka marna la hoos geynayey Madaxtooyadda, mar kale wasaaradda marar badana la Madax banaanaynayey, kuwaas oo khilaafka mar walba Horseedayey.

Cabashada Wariyayaasha iyo go’aanka ay wasaaradda Warfaafintu ka qaadatay waa kuwo aan horseedayn xal waara. sidaas daraadeed; Ururka SOLJA, isagoo Ixtiraamaya karaamada Shaqada Qaranka in la ilaaliyo isla markaana la sugo xuquuqda Suxufiyiinta kala duwan ee u shaqeeya warbaahinta Dawladda iyo ta gaarka loo leeyahayba, waxa uu ku talinayaa inay Wasaaraddu dib u eegto go’aankeeda, oo ay u marto waddo kale oo xal u noqon kara khilaafka ka jira wasaaradda.

 

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here