Somaliland: Bulsho Sicir-Bararkii Uu Shidaal-Barar Ugu Darsamay

0
77

Qiimihii Baatroolka & Naaftada Oo sare-u-kac weyni ku yimid iyo Shirkaddaha Keena Shidaalka Oo Qiimaha Gacantooda Ku Goosta

Hargeysa (Hubaal) Shirkaddaha Shidaalka keena Somaliland ayaa qiimihii shidaalka kordhiyay, Waxaanay ku dareen $15 qiimaha foostada baatroolka ah oo ahaan jirtay $135, imikana noqotay $ 152. Sidoo kale qiimaha foostada naaftada ah oo hore u ahayd $130 ayaa waxa ku kordhay $16, waxaanay imika noqtay $146.

Iyadoo qiimaha shidaalka caalamku wax korodh ahi ku iman ayaa shirkaddaha Somaliland keena shidaalka ee Red Sea ,Hass Petrolium iyo Som Oil ay qiimihii kordhiyeen.

Korodhka qiimaha shidaalka Somaliland ayaan habayaraatee ku salaysan ka caalamka kale ee shidaalku innooga yimaado, waxaana xusid mudan inaanay habayaraatee shirkaddahani dhankooda ka hadlin sababta keentay korodhka intaa le’eg ee ay ku sameeyeen shidaalka ay dalka keenaan, taasina waaxay ku tusaysaa inaanu jirin sharci ama kaantarool lugu sameeyo shirkaddaha keena shidaalka oo ay dawladdu ku qabato gacmo adag, si bulshadu u badbaado.

Bulshada Somaliland oo awalba la daalaadhacaysay sicir-bararka dalka aafeeyay, ay haatan ay ugu darsan tahay kor-u-kac balaadhan oo ku yimid Qiimahii shidaalka, sida Baatroolka iyo Naaftada, taasina waxay saamayn doontaa noloshooda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here