SOMALILAND: Ciidanka Booliiska oo Gacanta ku Dhigay Nin Kufsi iyo Dil u Geystay Gabadh yar

0
2

Hargeysa (Hubaal) Booliiska Somaliland ayaa ku guulaystay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysane dembi kufsi iyo dil u geystay gabadh da’deeda ahayd 15 jir, deegaanka Lughaye.

Sida illo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen the THT, eedeysanaha ayey ganacta ku soo dhigeen isniintii ciidan markii falku dhacay Taliyaha Ciidanka Booliisku S/G Maxamed Aadan Saqadhi ugu diray hawlgal deegaanka falku ka dhacay ee Lughaya.

Dhinaca kale, qoraal barta Facebook ee Ciidanka Booliisku Somaliland leeyahay lagu baahiyey manta ayaa lagu sheegay in shaqadii ciidanka laga eryey askari wadadda dhexdeeda ku garaacaya qof dumar ah, waxaanay fariintu u dhignayd;

“Saacado ka hor waxa baraha bulshada la soo geliyey saddex allifle Mahad Cabdi Cismaan oo gacan u qaaday ruux dumar ah. Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa annaga oo ka duulayna in booliisku yahay saaxiibka dadweynaha in la ruqseeyey askarigaa xadgudubka sameeyey, isagoo xidhan sharaftii ciidanka booliiska Somaliland, saacado gudahood..

Booliiska Somaliland waa saaxiibka dadweynaha.”

Labadan talaabo ayaa muujinaya deedaalada Ciidanka Booliiska Somaliland iyo madaxdoodu ugu jiraan sarraynta sharciga iyo ilaalinta nabadgelyada bulshada, mudan yihiina in mahadcelinteeda.

SHARE
Article horeSanduuqa Aas-aaska Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somalilland Oo Madaxweynuhu Wareegto Ku Soo Saaray
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here