HUBAALMEDIA.COM
Somaliland: Go’aan Laga Soo Saaray Khilaafka Xisbiga UCID
July 21, 2016 - Written by Editor-in-chief Hassan-Keefkeef

Jamaal-Iyo-FaysalHargaysa (Hubaal) gudiga diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay go’aamada dacwada khilaafka labada garab ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Gudidu waxay xukumeen in labada garab ee is khilaafsan ee muranku ka dhexeeyo ee ay kala hogaamiyaan gudoomiyaha Faysal Cali Waraabe iyo musharaxa Jamaal Cali Xuseen ay qabsadaan shirweyne aan caadi ahayn ee xisbiga UCID muddo 45 maalmood gudahooda ah.

Waxay kaloo guddidu xukumeen in shirweynahaasi ay wada maamulaan labada garab.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa markiiba BBC u sheegay in gudidaasi aanay awood u lahayn shirweynaha xisbiga ee la raacaayo xeerarka xisbiga UCID, hase-yeeshe gudoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisibiga UCID Cali Maxamed Yuusuf, oo u hadlay garabka kale ayaa soo dhoweeyay go’aamada gudiga diiwaangelinta ururrada siyaasada Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe, ayaa hore uga qaaday xilkii xisbiga UCID masuuliyiin ay ka mid yihiin gudoomiye xigeenka 3aad Cali Maxamed Yuusuf, iyo murashaxa jagada madaxweynaha Jamaal Cali Xuseen, oo uu yidhi murashax ma aha, taas oo ay diideen iyaguna

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews