SOMALILAND: Gorgor Lagu Dilay Gobollada Barriga Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay

0
1

Ninka Gorgorkan Dilay Ayaa Ka Xog Waramay Sidii Uu Gorgorkaasi Usoo Weeraray Iyo Qaabkii Sidii  Ay Ugu Suurto Gashay In Uu Dilo

Hargeysa(Hubaal) Taliska ciidamada Booliska Somaliland ayaa lagu soo bandhigay maydka Gorgorkii dhowaan dadka waxyeeladda ugu geystay Hawdka Somaliland, gaar ahaana gobolka Saraar.

Taliska Guud ee ciidamada Booliska Somaliland waxa  ku sugnaa xiliga Gorgorkaasi lagu soo bandhigaayey  Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle  ,wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed iyo ninkii dilay Gorgorkaasi ,kadib markii uu kusoo weeraray degaan kamid ah gobolka Saraar.

Ninka Gorgorkan dilay ayaa ka xog waramay sidii uu Gorgorkaasi usoo weeraray iyo sidii  ay ugu suurto gashay in uu dilo , ninkan ayaa sheegay in Gorgorkani kusoo weeraray meel u dhow degaanka Oog ee gobolka Saraar oo uu meherad ku haystay, waxaanu tilmaamay in gorgorkan iyo 11 shimbirood oo kale oo wehelinaayey  ay xaga sare kaga soo degeen , kadibna uu gorgorkani  isaga toos usoo beegsaday.

Waxa uu sheegay ninkan uu Gorgorku soo weeraray in gorgorkani cagihiisa kaga qabtay labada Garab, isaga oo isku deyaaya in uu madaxa ka dalooliyo , maskaxdana kala soo baxo, laakiin uu  luqunta iska qabtay Gorgorkaasi, kadibna uu  baalashiisa wejiga kala  dhacaay.

Ninkan ayaa sheegay in qori meel meherada kamid ah ku tiirsanaa uu tiigsaday, sidaasna uu ku toogtay Gorgorkii, halka ay shimbirihii kale ee la socdayna kala yaaceen markii ay dhawaqa rasaasta maqleen.

Waxa ninkan soo gaadhey dhaawacyo fudud  oo uu Gorgorkaasi soo gaadhsiiyey.

SHARE
Article horeSucuudiga: Noo Soo Dalxiis Taga, Dumarkuna Muxram Uma Baahna!
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here