Somaliland: Guddi Loo Saaray Xallinta Dagaal Laba Beelood Ku Dhexmaray Deegaan Macdan Laga Helay

0
1

Akhri Magacyada Guddi Golaha Guurtidu U Xulay Daminta Colaadda Oo Safar Ku Tegi Doona Deegaanka Shidan Ee Gobolka Sanaag

Hargeysa (Hubaal) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa Guddi u saaray Xallinta dagaal laba beelood oo Walaalo ah ku dhex maray deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag. Fadhigii shalay oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxamuu Aadan ayaa waxa lagaga dhawaaqay Magacyada Guddiga nabadeed ee Golahaasi Magacaabay, kuwaasi oo safar ku tagaya halka dhibaatadu ka dhacday. Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali ayaa akhriyey Magacyada Xubnaha Guddiga ah ee loo xulay Xallinta colaadda deegaanka Shidan:-

Axmed Daahir Jirde (Guddoomiye)

Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan

Cali Maxamed Huruuse

Cumar Nuur Xasan

Maxamed Faarax Axmed

Axmed Xaaji Cabdi Xuseen

Xasan Cumar Axmed

Diini Cabdillaahi Handi

Cawil Cismaan Maxamuud

Khadar Xuseen Sahal

Cawil Cabdillaahi Caydiid

Deegaanka Shidan ee Guddigan nabadeed loo xulay markii labada Beelood isku dhaceen, ayaa la sheegay in laga helay Macdan noocyo kala duwan leh.

SHARE
Article horeCulimada Somaliland oo Khudbadihii Jimcaha kaga Hadlay Halista Cudurka Corona Virus
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here