SOMALILAND: Hay’adda Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Oo Hogaan Cusub Doortay

0
1

Nuxurka Qoddobo Ka Soo Baxay Shirweynihii Saddexaad Ee Guddidaasi Oo Shalay Hargeysa Lagu Soo Gabagabeeyay

Hargeysa (Hubaal) Waxa shalay magaaladda Hargeysa lagu soo gabagabeeyay Shirweynihii saddexaad ee guddida wanaag farista iyo xumaan reebista ee Somaliland.

Kulankan oo laba maalmood u socday xubnaha guddida wanaag farista iyo xumaan reebista ee Somaliland eek ala socday gobollada dalka ayaa waxa lagu doortay hoggaanka guddidaasi hoggaamin doona muddo laba sanadood ah. Hoggaanka la doortay ayaa ah guddoomiye iyo ku-xigeen iyo xoghaya guddidaasi iyo sidoo kale golaha guud ee shuurada hay’adda. Geesta kale waxa ay xubnaha guddida wanaag farista iyo xumaan reebista dood dheer ka yeesheen xeerka kufsiga, oo ay sheegeen inuu yahay mid khilaafsan shareecada Islaamka iyo dastuurkaba.

Maxamed Iidle oo shaacinayay qoddobada laga soo saaray shirweynahan ayaa yidhi sidan;

“Shirweynihii saddexaad ee guddida wanaag farista iyo xumaan reebista ee Somaliland oo soo gabagaboobay 28 September 2018, kaasi oo ay kasoo qaybgaleen ergooyin ka kala socda gobollada Somaliland. Waxay gorfaysn iyo falanqayn kadib go’aamiyeen arrimahan soo socda;

  1. Waxa ay doorteen golaha guud ee shuurada oo ka kooban 22 xubnood oo matalaya dhammaan gobollada dalka
  2. In golaha shuuradani yahay golaha ugu sareeya ee hay’adda si waafaqsan xeer hoosaadka hay’adda
  3. golaha shuuradu waxay doorteen golaha fulinta oo kala ah; guddoomiyaha guud ee hay’adda oo loo doortay sheikh Cawil Faatax Shirre, guddoomiye ku-xigeenka hay’adda oo loo doortay Maxamed Cabdi Ismaaciil Raabi iyo xoghayaha guud ee hay’adda oo loo doortay Sheekh Axmed Maxamed Suldaan.

Guddidu waxay boggaadinaysaa isla markaana hambalyo u diraysaa madaxweynaha Somaliland, oo ay ku bogaadinayso joojinta xeerka kufsiga, waxayna ugu baaqaysaa in la joojiyo lana hor istaago xeer kasta oo kahor imanaya shareecada Islaamka.

Waxay ku baaqaysaa in goleyaasha qaranku ay u hogaansamaan awaamiirta Illaahay una dhego nuglaadaan baaqyada culimada.

Waxay hay’addu u digaysaa cid kasta oo ku lug leh duminta iyo khalkhalinta dhaqabka suuban ee shareecada Islaamka.

Waxay hay’addu baaq nabadeed u diraysaa walaalaha ay colaadu dhex martay ee Sool, kuna dardaarmaysaa inay u dhego nuglaadaan nabadaynta khilaafkoodana ay ku dhameeyaan wadahadal.” Ayaa lagu yidhi bayaankan

SHARE
Article horeSheekh Aadan-Siiro Oo Dhaliilay Waxbarashada Dawliga Ah
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here