Somaliland iyo Jabuuti oo ka Wada Shaqeynaya Boosaha iyo Isgaadhsiinta

0
1

Hargeysa(Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknaloojiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi Jibriil, ayaa heshiis la saxeexday Wasiirka Wasiirka Warfaafinta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jabuuti Cabdi Yuusuf Suge.

Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland oo khamiistii dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu Booqasho saddex maalmood qaadatay ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxay labada Wasiir  kala saxeexdeen heshiis wada shaqayneed oo nuxurkiisu yahay in labada dawladood iska kaashadaan adeegyada boosaha, isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda.

Weftiga Wasiir Cabdiweli waxay booqdeen goobo kala duwan oo xidhiidh la leh shaqada Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknaloojiyadda sida xarumaha Boosaha Jabuuti iyo xarumaha isgaadhsiinta.

SHARE
Article horeDaawo sawirada+akhri: Nuxurka Kulan dhex maray Wasaaradda Waxbarashada iyo Maayarka Hargeysa
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here