SOMALILAND: Korodhka Tiradda Tahriibta Iyo Falanqaynta Cali Sanyare Ee Taariikhda Tacabirka Dadka Dunidda

0
24

Hargeysa, (Hubaal)-Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Somaliland ee xukuumaddii Rayaale, Md. Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) oo xilkaa ka horna muddo dheer ka mid ahaa hay,adda caalamiga ah ee ILO, ayaa waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo dhawaan laga qaaday, qayb ka mid ah wax lagaga waydiiyay tahriibka ama tacabirka dadka qawada ama saluuga nolosha ay dalkooda ku haystaan, ee u haajira dal kale iyo doorka hay,adda ILO iyo guud ahaan barnaamijka tahriibta oo haatan Somaliland si wayn u saameeya.

Qaybtii lixaad ee waraysigaa oo Cali Sanyare kaga jawaabayo su,aal mawduucaa ku saabsanina waxay u dhigantay sidan;

cali sanyareSu’aal: Waxaan filayaa in ha’yada qaramada midoobay ee aad ka tirsanaan jirtay ee loo yaqaano “ILO “u xilsaarantahay badbaadinta iyo ilaalinta heshiisyada caalamiga ah ee la xidhiidha shaqada iyo shaqaalaha oo ay ku jiraan daryeelka xuquuqda dadka soo-galootiga ku ah dal kale ( imigrants). Waxaan filayaa in dadka tahriiba ay soo galaan kooxdaa . Waxaa somaliland laga hadlaa sidii tahriibta dhalinyarada loo joojin lahaa ,iyadoo bediilkeedii ama istraatijiyad cilmiyesan oo muuqata miiska la soo dhigin. Maxaad nooga iftiimin karta aragtiyada dunida ka hirgaley ee ku wajahan tahriibta iyo sidii loo joojin lahaa ama loo yareen lahaa?

Jawaab: intaanan ka jawaabin su’aasha, waxaan jeclaan lahaa in aan dib-u-gocdo kelmada “TAHRIIBTA”ee su’aasha ku jirtay. Ma garanayo sida kelmadu Afkeena hooyo ugu soo biirtay ama u soo gashay. Dad-keenu weligood way dhoofi jireen intii aan ugraadeystay. Waxaa berigaas lagu tilmaami jiray socdaalka aad sheegtay “TACABIR”. Qofkuna wuu tacabiri jiray ee muu tahriibi jirin . Labada kelmadood ,asal ahaan, waxa laga soo amaahday afka carabiga ah. Hase yeeshee, aniga way iikala macaanyihiin.TACABIRKA, sidii wakhtiga hore loo fahamsanaa , wuxuu tilmaami jiray qof katalaabaya ama ka-gudbaya badaha iyo soohdimaha dalal kale.

Wax ceeb ihina kelmada   ku may jirin. Laakiin,TAHRIIBTU, waxay iila muuqata kelmad kontrabaannimo iyo tuugeysi ku hoos jiro, oo aan laaqi ku ahayn qofka nolol-doonka ah ee socdaalaya. Waxaan doorbidi lahaa, in aan wareysigan ku isticmaalo kelmada ,”TACABIRKA” oo keliya. Laakiinse, si da’yartu u fahanto, waxaan Isla-isticmaali doona labada kelmadood oo wada socda.

Haddii aan dib-ugu-noqdo su’aashaadii, waxa lagu qiyaasay dadka tacabirka ama tahriibta ku jira ee gaaf- wareegaya dunida,iyagoo ay wehilyaan kuwii saldhigay ee soogalooti dal kale u noqday, sanadkii 20014ka ilaa 232 milyan oo qof. Boqolkiiba 48% waxay ka sii ahaayeen haween.Marka tira-koobka la barbar dhigo tirada dadka dunida oo dhan ku nool,waxay ka noqdeen boqolkiiba 3.1%. Waxay warbixinta ILOdu saadaalineysaa in tirada dumarka tacabiraya ama tahriibayaa ay sii kordhi doonto sanadaha soo socda. Sanadihii 1990kii, wuxuu tira koobka dadkaasu ahaa 75 milyan.

Waxay tirada tacabirku ama tahriibtu saddex boqol laabantay muddo rubci qarni ah.Tirakoobku, wuxuu inoo tilmaamaya haddii aan isbedel ku iman xaaladaha sii xumaanaya dunida ee hadda ka jira , sida ,dhaqaalaha,nabadgelyada,cimilada iyo shaqo-la’aanta ,in saadaashu tahay in tirada dadka nolol doonka ahi ay sii kordhaan.

Dadka tacabira ama tahriiba badankoodu waxay ka yimaadaan qaaradaha Laatiin Ameeerika iyo Eyshiya. Tirada qaarada Afrika ka timaada waa ta ugu yar. Maalmahan,dad badan oo carbeed ayaa Yurub kusoo qolqolaya sababo nabadgelyo xumo oo ka jira dalalkood awgeed.

Khubarada   ku-xeel-dheer arrintan waxay xaqiijiyeen afar qodob oo bud-dhig u ah sababaha tacabirka ama tahriibta keena.Kuwaas oo kala ah:

1) Nabadgelyo xumo dalalka qaarkood ka jirta.

2). Rajo la’aan nololeed oo ay keentay shaqo la’aan baahsani, iyo dhaqaalihii dalalka qaarkood oo si xaq ah loogu haqsoorin bulshada oo markaas dhalisay sadbursi dabqaadeed oo aan weli la toosin.

3) Cimilo xumo ku habsatay dalalka qaarkood oo waxyeeleysay deegaanadii ay ku nooleyd bulshadu iyo hantidoodiiba.

4). Teknolojiyada dunida maanta laga isticmaalo oo sahashay isku-gudbinta wararka, Isla markaasna fududeysay oo dhiirigelisay dadyowga tacabiraya ama tahriibaya socdaalkooda.

Dadka tacabira ama tahriiba waxay u badanyihiin dhalinyaro ay sideeduba baqashadu ku yartahay. Waxaan yaraanteydii maqli jiray, haddana, dhalinyarada Somaliland joogta ku hadaaqdaa in tacabirku ama tahriibtu tahay “DHIMASHO ama NOLOL”. Markuu qof da’yar ahi ku qanco odhaahdaa, wuxuu markiiba dumiyay derbigii ku xeerna ee baqashada . Cid soo loodin kartaana ma jirayso Ilaa uu higsigiisa soo taabto,amase ,tii alle u timaado.

Halkan bal aynu is-yar-dultaagno hadalo dadka qaar ka soo yeedha markii dhimasho laga soo wariyo tacabirka ama tahriibta. Waxay si dadban oo khaldan dadka ufahamsiiyaan in qofkii ku dhinta tacabirka ama tahriibta aannu geeriyoodeen haddaanu socdaalkaa u badheedhin . Aragtidani waxay khilaafsantahay diinteena suuban ee inoo bayaamisay in wakhtiga iyo meesha qofku ku dhimanayo ay qorantahay oo aan hal daqiiqo la dhaafsiin karin. Geeriyi waa xaq. Imisa dhalinyaro ah ayaa dalka guddidiisa ku dhinta, oo qarkood si darxumo ku jirto ku dhamaadeen.Markii aan wareystay dhalinyaro ka soo badbaaday safarka, oo hadda ka shaqeysata dalalka Yurub, waxay ii xaqiijiyeen in dhalinyarada ka- samatabaxda ay aad iyo aad uga badan yihiin kuwa naftooda ku waaya tacabirka. Waxaan qirayaa in xogo iyo daraasaddu cilmiyeysan oo ka xeel dheer wararka hadda la sheegayo loo baahanyahay, si xaqiiqada dhabta ah loo ogaado . Taasina, waa masuuliyadda xukuumadda Somaliland.

Beryihii hore, dadka dalkeena ka tacabira waxay u badnayeen dhalinyaro reeruhu ku dhiirigeliyaan inay tacabiraan. Inta badan taladu waxay ka iman jirtay qoyska ama reerkaba. Markii laysku raaco qofka dhoofaya aya geel loo haraashi jiray si kharashkii

safarka loo xaqiijiyo. Doonyo Berbera ka baxa oo CADDAN u socda ayey sii-raaci jireen. Caddan waxa ku qaabili jiray tolka halka jooga oo xilku ku wareegi jiray. Iyana, way isa-sii-dhaafin jireen markii khadka labaad ee safarka ay u xidhaan. Qaarkood, maraakiibta xamuulka ee dekedda CADDAN ku soo xidha ayey ku sii dhuuman jireen si dalka ingiriiska u gaadhaan. CADDAN waxaa xukumi jiray ingriiskii Somalilandna xukumay. Waxay ahayd magaalo camiran oo barwaaqeysan oo leh marso ama deked caalami ah.

Waxaan xasuusta kontamaadka dhamaadkiisii wiil dhalinyaro ahaa wakhtiga,laakiinse aniga aad iiga weyna oo xigto iyo saaxiiba ahayn oo la odhan jiray ,Cabdi Carte ,ayaa Berbera ka dhoofay, isagoo ku sii jeeda CADDAN. Laba todobaad ka dib,waxa naloo soo sheegay in doonidii duufaan qaaday . Dadkii iyo duunyadii ay sideyna ay dhamaantood badii liqday. Markaasay, baroortii ka bilaabatay guryihii reerka.

Waxaan sheekooyinkan gaagaaban usoo tebiyey in dadka taariikhda tacabirka ama tahriibta aan,si mug leh ula socon , ay ogaadaan in aanay ahayn wax dalkeena ku cusub.Balse ahayd wax soo jireen ahaa ila qarnigii labaatanaadka bilowgiisii. Tacabirku ama tahriibtu waxay dunida ka jirtay ila markii deegaameynta magaalooyinku bilaabantay.Waa boqolaal qarni ka hor.

Iyadoo sababaha keena tacabirka ama tahriibta ee hore aynu ku soo sheegnay wax laga qabto mooyaane, umaleyn-maayo in cidna xakameyn karto ama yareen karto tirada dadka NOLOL DOONKA ah ee socdaalaya. Hore, ayaa taas loogu soo daaley. Hase yeeshee, tacabirka ama tahriibta waa lala saaxiibi karaa. Dalalka la saaxiibay tacabirka waxay u fasaxaan una fududeeyaan tacabirka ama tahriibta bulshadood. Qaarkoodna dalal kale ayey shaqooyin uga raadiyeen ,si ay u helaan nolol ka fiican ta ay dalkooda ku haysteen. Dalalka talaabooyinkaas ku dayasha mudan qaaday waxa ka mid ah, Turkiga , dalkii laysku odhan jiray Yugoslaafiya,Siri-Laanka,Bakistaan, Hindiya, Induniisiya, Bangala-dhaash, Filibiin iyo kuwo kale ,iyadoo dhawaana ay Itoobiya ku biirtay kooxdaas.

Wuxuu Turkigu u diray dalka Jarmalka lixdanaadkiii kumanaan boqol oo shaqaalaha gacanta ah si Jarmalka uga caawiyaan kobcinta dhaqaalahoodii xawliga ku socday wakhtigaas. sanadwalba shaqaale cusub ayaa ku biiri jiray kuwii hore u joogay . Hadda malaayiin turki ah,balse qaate dhalshii Jarmalka ayaa ku nool dalkaas,oo manfac iyo maalba kusoo kordhiyey labada dalba. Waxaa, iyana todobaatanaadkii siyaasad taas la mid ah qaadatay, dalkii laysku odhan jiray Yuguslaafiya oo,iyana shaqaale u dirtay dalka HOLAND iyo dalal kale oo YURUB ah. Dalalka Eeshiya ee magacyadooda hore

aan u soo sheegay, waxay Ilaa hadda u diraan dalalka khaliijka,Sacuudi-Careebiya, iyo dalal kale oo bariga dhexe ku yaal shaqaalaha gacanta ku shaqeya iyo aqoonyahano kaleba sida injineero iyo dhakhaatiir. Markaad suuqa magaalooyinka dalka Imaaraadka Carabta joogtid, qaar ahaan Dubay iyo Abu-dabay, waxaad moodeysaa inaad joogtid dal Eeshiya ah sida, Hindiya ama Bakistaan. Dalka Itoobiya dhawaan ayey kooxdan ku biirtay. Waxay u dirtaa dalalka carabta qaarkood shaqaalaha guryaha ka shaqeeya. Dawladaha diraya shaqaaluhu waxay, intooda badani, heshiisyo la galeen dawladaha dalalka qaadanaya shaqaalaha iyo qandaraaslayaal fuliya heshiisyada la kala saxeexday. Qaarkoodna waxay la galaan heshiisyo shirkadaha qandaraaslaha ah oo keliya. Siyaasadaas furfuran ee dalalka shaqaalahooda camal- la’aanta ah dhoofiyaa waxay ,si weyn ,wax uga tartay shaqo la’aantii baahsaneyd ee bulshadooda haysatay. Waxay kaloo ku-soo-biirisay miisaaniyadda dalalkooda dahkli cusub .

Dadka tacabirka ama tahriibta ka-samatabaxa , waxay usoo hooyaan faa’iidooyin badan dalkooda iyo dalka ay ku-sal- dhigeenba. Waxay u soo faa’iideeyaan dalkooda hooyo waxyaalaha soo socda:

1) Waxay eheladooda u soo diraan ,wadar ahaan, lacag badan sanad walba oo kaabta dhaqaalaha dalka hooyo.

2). Waxay maalgashi ay geliyaan mashaariic la xidhiidhta dhismo,ganacsi, wax-soo-saar dhuleed ama warshadeed iwm.

3) Waxay aqoon iyo xirfado kala duwan oo dalka hooyo u baahanyahay kula soo-laabtaan dalkooda, wax weyna katara kobcinta dhaqaale iyo horumarka dalka

4). Waxay soo-daadgureeyaan dad badan oo eheladooda ah oo gala NOLOL cusub

(iyaga iyo carruurtooduba ) oo waxtarna u yeelan kara dalka hooyo mustaqbalka.

Dadka tacabira ama tahriiba waxay, iyana gacan waxtar leh ka gestaan, guud ahaan, horumarka iyo dhaqaalaha dalka ay ku- sal- dhigeen ee magangelyo iyo shaqaba siiyey. Xogo badan oo tilmaamaya waxtarka ay u leeyihiin dalka magangeliyey ayaa qoran oo la faafiyey.

Gebagebadii, waxaan kula talin lahaa xukuumadda Somaliland, ganacsatada ,bulshada rayidka ah iyo, guud ahaan, shacbiga in sida hadda looga hadlo tacabirka ama tahriibta looga diga-rogto wadatashi ka qotadheer oo kafada -miisaanka lagu saarayo faa’iidada iyo khasaaraha uu tacabirku ama tahriibtu u leeyahay dalka iyo dadkaba. Waxaa loo baahanyahay in su’aalo layska weydiiyo higsiga dhaqaalaha Somaliland iyo inay muuqato, hadda iyo mustaqbalka dhowba,in dhaqaalaha dalku uu abuuri karo kumanaan shaqo oo kala duwan oo kafaala-qaadaaya dhalinyaradeenan camal la’aanta la dhex-wareegeysa suuqyada magaalooyinka Somalialnd. Yaa gabay oo beylihiyey higsigii iyo rajadii dhalinyaronimo ee da’yarta Somaliland ? Su’aalaha iyo kuwo kaleba ayuu wadatashiga ,lagu taliyey, ka jawaabi doona.Waxaa kaloo wadatashigu wax ka bedeli doona aragtiyada madhaleyska ah iyo hadalada qaarkood ee waxtar la’aanta ah ee soo-noqnoqonaya . Kuwaas oo ay xal-u-helid dhab ahi ka maqantahay, balse wax walba oo khaldanba u xambaariya da’yarta nolol doonka ah ee higsigoodii iyo rajadoodii dhalinyaronimo la saqiiriyey. Wuxuu kaloo wadatashigu inoo-fududeyn kara helitaanka istraatiijiyad muuqata oo wax-qabad oo ficilkeedu suganyahay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here