Somaliland ma Wada Qaadi Karto Sicir Barar, Abaar iyo Qabylaad Baahsan!!

0
59

Warbixin Waxa wax Ka Qorey Weriye  Siciid Faarax Muuse (Cagjar)

Dharaartii Alle keenana,

ayni ii kordha mooyee

caqli iima siyaado,

mana waayo arkaayo

wax kastood akhridaan,

waxaan ahay Alle doori,

seed dhanina aanay ku oolin

AHN Abwaan Gaariye

Jamhuuriyadda curdinka ah ee 26 sanno jirsatay waxa ay hoy u noqotay sannadihii u danbeyey Sicir barar , Abaar baahsan iyo Qabyaalad barar aan kala go’ lahayn , kuwaasi oo saameyey qaybaha kala duwan ee umadda ku abtirsta Jamhuuriyadda ku fidsan bed ahaan dalkii Ia odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 50 ilaa 110 30′ Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 420 45′ ilaa 490 Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin Brri, badd buur iyo jasiirado. Qoomka deggan qarankan ayaa gaadhin  meel wanaagsan marka loo eego  cimrigooda dib u dhalasho ee  26 sanno jirsaday , taa bedelkeeda waxa ay dhaxleen armiyad madow oo qabyaalad iyo kala qaybsaanan ah . Isbedelada Xukumaddaha, Golaha dhaqanka iyo Warbaahinta ayaa loo aaneeyaa buunbuuninta hadalada xanafta leh ee sii kala qaybinaya bulshada.Waxa ka mida waxyaalaha aafeeyey:

Sicir Barar

Laga soo bilaabo dib u curashada Somaliland Sicir bararku waxa uu ahaa mid si joogta ah u socda waana halka ay ka timid hal-hayska caanka noqday ee ah “ Ku dar mooyee ka dhin ma leh “ iyada oo taasi jirto haddana waxa uu sicir bararka iyo qiimo dhaca shillinku halkii ugu xumayd gaadhay labadii sanno ee sagootinta cimrigii Xukumadda Madaxweyne Silaanyo iyo bilowga Xukumadda Muuse . Xukumaddii hore ayaa ka soo  saartay Sagaal qodob oo ay sheegeen inay tahay xal u helida Sicir bararka kuwaas oo ay ka mid ahayeen In Shirkaddaha waaweyn ee leh Bangiyada gaarka ah sida: Dahabshiil Group iyo Telesom Group ay si rasmi ah u joojiyaan Isku-Beddelka Lacagaha Qalaad. Sidoo kale, Ganacsatada waaweyn ee waxna dhoofisa waxna soo dejisa, sida: Oomaar International Company, Deero Group iwm, aanay iyaguna si toos ah iyo si dadban toona uga ganacsan karin Isku-Beddelka Lacagaha. In Shirkadaha Telesom Group iyo Dahabshiil Group ee leh adeegyada Zaad iyo E-Dahab ay joojiyaan lacagaha US Dollarka ah ee lagu shubto Telefoonadooda Gacanta wixii ka yar $100 isla markaana ay ka saaraan system-kooda, si kor loogu qaado loona dhiirri geliyo Isticmaalka Shilinka Somaliland, iyo inay Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil adeegyadooda Zaad-ka iyo E-Dahab-ka ay ka dhigaan ku-shubashada iyo ku-kaydsiga lacageed ee  Shilinka Somaliland mid aan xad lahayn. Qodobadan ayaa noqday qaar madhalays ah oo aan fulin balse Xukumadda Cusub ee Madaxweyne Muuse ayaa soo saartay go’aamo la mid ah kuwii ay soo saartay Xukumaddii Madaxweyne Silaanyo iyada oo lays weydinaayo halka ay ku danbayn doonaan go’aamadani , balse waxa uu shaki ku jiraa fulintooda madaama shirkadaha awaamirta la faray yihiin kuwo awood dhaqaale oo badan leh, Dadka gorfeeya arrimaha dhaqaalaha ayaa qaba in sida ugu fudud ee loo tayayn karo shillinku uu yahay tayaynta bangiga dhexe ee dowladda  adeegsiga lacagta dalka iyo soo noolaynta lacagtii 50 iyo 100 shillin , iyada oo hadda wax walba lagu qaato lacagta doolarka Sida , kirada guryaha , waxbarashada , laydhka , ganacsiga taa bedelkeeda qofka shillinka haysta sarifka gacanta danbe loogu dhufto .

Abaar soo noqnoqtay

Dalka waxaa ka dhacday abaartii ugu xumayd ee abid soo marta dadka tan iyo inta la xasuusan yahay iyada oo la uruuriyey lacag maaliyiin doolar ah si wax loogu qabto qoysaskii ay ka baxeen dad iyo duunyaduba , inkasta oo saluug badan bulshadu ka muujisay halka ay martay lacagtii la uruuriyey haddana ma jirin qorshe cad oo lagaga hor tagi karo abaaraha soo noqnoqda, Maanta waxa ay Xukumadda cusub ee Madaxweyne Muuse sheegtay in Hal melyan iyo boqol kun oo qof  ay u ildaran yihiin abaar ka jirta qaybo ka mid dalka , waxaana ku xigta ururinta iyo dhaqaale u raadin si xal loogu helo dadka ay saamaysay iyada oo lays weydinaayo cida dhaqaalaha lagu aamini karo maadaama saluug badan laga muujiyey qaabkii loo maamulay lacagtii hore ee malaayiinka doolar ahayd. Xukumadda waxaa la gudboon inay la timaado qorshe cad oo lagaga hor tago abaaraha soo noq noqday waayo qofna gacan shisheeye kuma dhergo , waxaana la gudboon nidaamka xoolo dhaqato beeralay biyo haysta inay ka sameeyaan deegaanka miiyada  si dalkeenu badhaadhe iyo barwaaqo u gaadho, balse hadday marto halkii shalay,  bulshadu waxa ay ka aamin baxaysaa qofkasta oo han hoggaamiye leh .

Qabylaad baahsan 

Qabyaaladu waa cudurka ugu xun ee haya umadda dalkan waana mid maalin walba sii xoogaysanaysa waxaana kiciya oo shida Siyaasiyiinta iyo golaha dhaqanka oo isku bedelaya khuburrada beera viruska xoojiya qablaayada . Intay bulshadu qiimanayso qabylaada waxa ay ku jirayaan dib u dhac , sicir barar , abaaro, dagaalo sokeeye qaxoontiyada, raja beelka,  boob , xatooyo xoolo umaddeed  iyo rajo xumo joogto ah. Qabyaaladu waxa ay kala qaybisaa wada jirka Umadda , waxay hurisaa colaadaha , waxa ay curyaamisa horumarka taa bedelkeedana haddii meesha laga saaro qabyaalada waxay keentaa Is dhexgal bulsho ,Wada jir iyo horumar ay umaddu kula jaan qaadi karto dunida ay u tahriibayaan dhalintii dalku, waxaana iman doonta dharaar uu afku hadal daa’yo. Si looga baxo qabylaada waa in lasoo nooleeyaa wada lahaanshihii iyo Waddaniyadii si qalbiga jiilka danbe loogu beero waddan jacayl iyo Muxubo dhexdooda ah.

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso.

Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe

Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede

AHN Abwaan Maxamed Suldaan Tima-cade

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here