SOMALILAND: Madaxtooyada oo Ka Jawaabtay Eedeymo loogu jeediyay wax-ka-beddelka xeerka doorashada Wakiillada Iyo Saami-qaybsiga Xildhibaannada

0
1

Xukuumadda Somaliland oo Iska Fogeysay Mas’uulliyadda Xubno Garoowe Tegay

 “Madaxweynaha Iyo Shir-Guddoonka Guurtida Iyo Wakiilladu Waxay  Caddeeyeen In Somaliland Diyaar U Tahay Xabbad Joojin, Waxaanay Hore U Aqbashay Soo Jeedintii Qaramada Midoobay Iyo Beesha Caalamka”

 

Hargeysa (Hubaal)– Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa faahfaafin ka bixisay sida ay Somaliland u doonayso in nabad lagu dhammeeyo colaada Soomaaliya ka wado Tuka-raq  iyo xeerka doorashooyinka ee xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiillada si ay waajibkooda dastuuriga ah uga gutaan. Waxa kaloo madaxtooyaddu ka hadashay ergo iskood isku xil-qaamay oo tagay Garoowe, sidaasna waxa lagu sharraxay war-saxaafadeed shalay ka soo baxay madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Hubaal, waxaanu  war-murtiyeedkaasi u qornaa sidan:-

 

Dabbaal-degga munaasibaddii 26-kii June 2018, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo shir-guddoonka guurtida iyo wakiilladu waxay ku caddeeyeen in Somaliland diyaar u tahay xabbad joojin. Xukuumadda Somaliland waxay hore u aqbashay soo jeedinta Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ee xabbad joojinta Tuka-raq, Iyadoo dhulkeedii 70Km gudaha loogu jiro lagulana dagaallamayo xadkeeda.

 

Ergadii Garoowe tagtay waxay ahaayeen ergo iskood isugu xilqaamay xabbad-joojin,   marti-qaadna ka helay dhiggooda Garoowe oo hore u yimi halkan. Ciidamada Somaliland iyagoo ka duulaya deris wanaagga kana fogaanaya dhiig daata iyo ilaalinta doorka nabadda ayey dulqaad ku deggan yihiin Tuka-raq oo ah gudaha Jamhuuriyadda Somaliland daan-daansi iyo duullaanna may qaadin, xad dal kalena kuma  socdaan. Shirka Soomaaliya ku qabsatay Brussels, waa shir iyaga u gaar ah, mana quseeyo  Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna la mid yahay shirarka ay ku qabsadaan Muqdisho iyo Garoowe.

 

Dhawaan waxa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay golaha wakiillada xeerka doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta cod-bixiyaha, kaas oo golaha wasiirradu ansixiyeen. Xeerkaasna waxa soo diyaariyey komishanka doorashooyinka qaranka iyadoo ay kala qayb-qaateen axsaabta qaranka, garyaqaanka guud iyo ururrada bulshada rayidka ah.

 

Xeerkaas oo golaha wasiirradu ku sameeyeen  kaabis iyo wax-ka-beddel ku salaysan  qoondada haweenka iyo beelaha gabooye loo asteeyey, xeerkaas kuma qeexna, laguma kordhin, lagumana kaabin saami-qaybsiga kuraasida gobollada ee golaha wakiilada, waxana uu horyaallaa golaha wakiillada, si ay waajibaadkooda dastuuriga uga gutaan, doodda saami-qaybsiga kuraasta goboladda iyo qaabka qaybintiisuna xildhibaanada ka hadlay golaha ay ka tirsan yihiin ayey u taal.

 

Ugu danbayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Marnaba ma soo jeedin in sidii hore lagu galo doorashooyinka golaha wakiillada, mana shaacin saami-qaybsiga kuraasida gobollada, xukuumaddana waxa ka go’an xaqiijinta geeddiga dimuquraaddiyadda ee doorashooyinka, waxaana xil ka saaran yahay qabsoomidda doorashada oo xilligeedii ku dhacda.

 

LLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here