Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Collaada Kasoo Noqnoqotay Deeggaanka Dhummay Ee Laascaanood

0
1

“Dhumay, Waxa Isugu Imanaya Inta Af-Soomaaliga Ku Hadasha, Waxa Aannay Marti U Yihiin Dawladda Somaliland”

Hargeysa,(Hubaal)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay xaalada deegaanka Dhummay ee duleedka gobolka Soo loo muddooyinkii u danbeeyay collaad soo noq-noqotay ka taagnayd, kadib markii laba dhinac oo ka mid ah dadka deegaanka dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo si weyn looga naxay dib uga soo cusboonaaday todobaadyadii u danbeeyay. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo shalay ka hadlayay Xuska Sannad Guurada 25aad ee Ciidanka Booliska Somaliland oo sannad walba la xuso 3 Nov, ayaa sheegay in deegaankaa ay kusoo waajahan yihiin ergooyin ka kala imanaya dhamaan dhulka Soomaalidu degto oo doonaya in ay qayb ka noqdaan dedaalka Xukuumadda Somaliland ku doonayso in lasoo af-jaro colaada soo noq-noqotay ee deegaanka. “Colaadda Beelaha Walaalaha ah ee Gobolka Sool, Gaar ahaan Dhumay waxa maanta isugu imanaya inta Af-soomaali ku hadasha oo dhan, waanu soo dhawaynaynaa, waxaanay Marti u yihiin Dawladda Somaliland.” sidaasi ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi

SHARE
Article horeXalka Lagu Furdaamin Karo Doorasho Somaliland Ka Dhacda March 2019
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here