Somaliland: Maxkamadda Saaxil oo Xukuntay Magafeyaal Tahriibinayey Dhallinyaro

0
1

 

 

Berbera(Hubaal)- Maxkamada gobolka Saaxil  ayaa xukuno kala duwan  ku riday    niman   magafayaal ah  oo xeebaha gobolka  Saaxil ka tahriibinayey dhallinyaro ay ka keeneen magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

 

Garsoore   Axmed Yuusuf  Cabdi  oo ka tirsan xukaamta maxkamadda gobolka Saaxil,  ayaa ku dhawaaqay xukunka nimankaas, waxaanu sheegay in laba ka mid ahi  u dhasheen  waddanka Yeman oo watay laash yar oo ay  sifo sharci darro ah ugu tahriibinayeen 7 dhallinyaro ah oo aad u yaryar.

 

Laba Mukhalas  oo  dhallinyarada tahriibinayey oo magacyadoodu kala yihiin Cabdi Cali Kaahin    iyo  Ismaaciil  Jaamac, waxay maxkamadu ku xukuntay min hal sanno  iyo lix bilood oo xadhig ah.

 

Siduu ku soo waramay weriye ka tirsan wakaaladda wararka Somaliland, waxa labadii nin ee laashka watay oo magacyadoodu kala yihiin  Maxamed Saalax Cali  iyo Naasir  Jaabir Saalim oo Yemaniyiin ah lagu xukumay min afar sannadood oo xadhig ah.

 

Waxa kaloo maxkamaddu xukuntay in lala wareego laashkii ay wateen iyo GPRSkii ay siteen.

 

Maxkamadda Gobolka Saaxil waxay min bil xadhig ah ku xukuntay lix ka mid ah c arruur la tahriibinayey maadaama oo aanay ahayn qaangaadh, iyadoo mid ka mid ahna  maxkamadu  u soo celisay xoriyadiisii kadib markii  waxba lagu waayey.

 

Xukunkan waxay maxkamadu u  cuskatay  qodobka  332aad ee  xeerka ciqaabta

SHARE
Article horeReysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Si Adag Uga Hadlay Dagaal Kusoo Noq-noqday Oromada & Soomaalida Dalkiisa
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here