Somaliland oo Caddeysay Mawqifkeeda Ku Aaddan Safarka La hadal hayo In Farmaajo Ku Imanayo Hargeysa

0
2

Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Diidday In Farmaajo Yimaaddo Hargeysa (Akhri Oo Faahfaahin)

Hargeysa (Hubaal) – Xukuumadda Somaliland ayaa Warqad Rasmi ah u dirtay Dawladda Ethiopia, taas oo ay ku muujisay in aanay Ogolayn in uu Madaxweyne Farmaajo yimaaddo Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Warqaddaasi ayaa Nuxur ahaan loogu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Abiy ahmed, in aanay Somaliland diyaar u ahayn in ay Hargeisa ku soo dhawayso Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. sida ay Xaqiijiyeen Ilo wareedyo Muhiim ah. Warqadda xambaarsan mawqifka diidmada ah ee xukuumadda Somaliland, ayaa maanta la gaadhsiiyay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dalka Ethiopia, sida la xaqiijiyey

Ila wareedyada, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, uu Toddobaadkan gudihiisa Baarlamaanka la hadli doono isla-markaana uu faahfaahina ka bixin doono kulamadii uu madaxda kula yeeshay Magaalada Addis Ababa iyo dhamaalkan uu ethiopia u diray ee uu kaga hortagayo imaatinka Madaxwaynaha Soomaaliya. Warkan ayaa soo baxay, Saacada uun ka dib markii uu soo baxay Warka sheegaya in Raysal-wasaaraha Itoobiya uu doonayo inuu Hargeysa u soo hor-kaco Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kaasi oo ay Toddobaadkii hore kulan Magaalada Addis Ababa kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

SHARE
Article horeSomaliland Waxay u Baahan Tahay Sharci iyo Qorshe ay Ku Waajahdo Wadahadalka Somalia
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here