Somaliland oo diidday Nidaamka Badda Cas ee Ay Aasaaseen Dowladaha Xuduudaha Leh Ee Gacanka Cadmeed

0
1

War-Saxaafadeed

Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Ay Tixgelinaysaa Dadaalka Dhowaan Lagu Dhawaaqay In Uu Abuuro Iskaashiga Wadashaqeynta Lixda Waddan Ee Badda Cas Iyo Gacanka Cadmeed, Aag Istaraatiiji Ah Iyo Dekad Muhiim Ah Oo Caalami Ah.

Somaliland waxay ku guuleysatey in argagixisada budhcad badeeda ah ay badaheeda ka ilaaliso, sidoo kalena waxay sugtay amniga dhulkeeda oo dhan 850 kiiloomitir

Somaliland waa waddan madaxbannaan oo leh xuduudo caalamiya, heshiis kasta oo ka dhexeeya waddamada gobolka ee Somaliland ka dhigaya qayb ka mid ah Soomaaliya waa qalad  aan la aqbali karin .

Si kastaba ha ahaatee, waxaan rajeyneynaa wax kasta oo wada shaqeyn ah oo si firfircoon uga qaybqaata amniga iyo barwaaqada aaggan oo aan ka hor imanaynin madax-bannaanida dal kasta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here