Somaliland Oo Maanta Laga Xusay Maalinta Aids-ka

0
4

Madaxweyne-ku-xigeenka & Xubno wasiirro ah oo ka qaybgalay Munaasibadda Xuska maalinta HIV/AIDS oo uu  Soo Agaasimay Komishanka Xakamaynta AIDS-ka ee somaliland

Hargeysa (Hubaal) – Waxaa maanta oo ahayd 1-da December caasimada Somaliland ee Hargeysa lagu qabtay  munaasibad balaadhan oo lagu  xusaayey, xuska maalinta Caalamiga ah ee Xannuunka HIV/AIDS, waxaana munaasibadaasi soo qaban qaabiyey  komishanka Xakamaynta Aydhiska, waxaana kasoo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirada Wasaaraddaha Caafimaadka, Warfaafinta iyo Ciyaaraha, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiilada.

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in sannadkiiba hal mar lays xasuusiyo maalintan caalamiga ah ee loogu talo galay xuska xannuunka Aydhiska waxaana uu yidhi  “Waxaa maanta sharaf inoo ah dhammaanteen inaan kasoo qeyb galno maalintan loo asteeyey in lagu xuso maalinta AIDS-ka ee adduunka, iyadoo looga jeedo in maalintani ay noqoto in sannadkiiba mar lays xasuusiyo dhibaatada xanuunkani leeyahay, sida loo daweyn karayo, sida looga hortagi karayo iyo sida loola macaamili karayo dadka xannuunkani ku dhacay wacyi weyna layska siiyo, iyadoo ay wacyi gelintu joogto tahay”.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay maanta adduunyadu dedaal weyn ugu jirto sidii daawo rasmi ah loogu heli lahaa xannuunkaasi waxaana uu yidhi markale Madaxweyne ku xigeenku  “Imika dunidii waxay gaadhay in dawooyin fiican la helay innaguna in ninkii muslimka ahaa ee walalkaa ahaa aan foqooqno dadka caalamka ugu dhaqaalaha badan sida Bilgayti oo kalena  inuu adduunyada maanta ku bixinayo Bilyan  Doolar sidii uu ummaddaa dawo ugu heli lahaa, miyaanay nasiib daro ahayn ninkii aan islaamka ahayn uu damqanayo uu lacagtiisii maanta ku bixinayo sidii loo heli lahaa dawo rasmi ah oo lagaga bugsado innaga damiirkeenu waa inuu ina faraa inaan qofkaa wixii aan u qaban karno aan u qabano”.

Ugu danbayntiina waxa halkaasi Madaxweyne ku xigeenka lagaga qaaday shaybaadhka ogaanshaha iyo fayo qabka cudurkaasi, isagoo Madaxweyne ku xigeenku tusaale u noqday Bulshadu inay ku dhiirato baadhitaanka xannuunkaasi si caafimaadkooda ula socdaan.

SHARE
Article hore“Riyo-raac waxaan u Arkaa Miino loo soo Xambaariyey Madaxweynaha”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here