Somaliland: Saraakiil Ciidan oo ku Dhintay Shil Baabuur oo ka Dhacay Degaanka Xamaas

0
1

Hargeysa (Hubaal)- Alle ha u naxariistee saddex qof ayaa ku dhintay dhawr qof oo kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii ay galabta laba gaadhi isku dhaceen agagaarka magaalada Xamaas ee gobolka Saaxil.

Baabuurta   isku dhacday ayaa kala ahaa Bas  kuwa rakaabka ah oo ka yimid magaalada Berbera una sii jeeday magaalada Hargeysa, halka Baabuurka kale oo ahaa Landcruiser ay lahaayeen ciidanka ilaalada xeebuhu uu ka soo kicitimay caasimadda Hargeysa una sii jeeday  Berbera.

Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa werisay  in Gaashaanle dhexe Cabdi-weli Cabdilaahi Warfaa oo ka tirsan ciidanka ilaalada xeebaha Berbera  iyo laba nin oo kale oo midi sarkaal ahaa  ay ku dhinteen shilkaasi. Halka dhawr qof oo kale oo uu ku jiray dirawalkii basku ay  dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen shilkan.

Warku wuxuu intaas ku daray in Badhasaabka Gobolka Saaxil, Axmed Cismaan Xasan iyo Xoghayaha gobolka iyo masuuliyiin kale oo u gurmad ku tagay goobtii shilku ka dhacay ay soo qaadeen maydkii, hase ahaatee uu daad ka soo rogmaday dooxa Cabaad-weyne uu halkaas ku xanibay masuuliyiintii iyo maydkii ay u sideen magaalada Berbera.

 

XIGASHO: WAKAALLADA WARARKA SOMALILAND EE SOLNA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here