Somaliland: Shacabka Degan Xarumaha Dawladda Oo Loo Qabtay Muddo Soddon Cisho Ah Inay Xamaantooda Kaga Urursadaan

0
2

Akhri Wargelin Uu Soo Saaray Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyaynta

Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud dhulka iyo Guriyaynta Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi,  ayaa ku wargaliyey dadwaynaha degan xurumaha Wasaaradaha iyo Hay’dadaha dawladda Xayndaabkooda inay ka guuraan.  Sidaasna waxa uu ku sheegay warsaxafadeed uu soo saaray oo soo gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA.Warsaxaafadeedkan ayaa u qornaa  sidan:-

“Waxa lagu wargalinayaa dhammaan muwaadiniinta degan xarumaha Wasaaradaha iyo Xay’daha dawladda xayndaabkooda inay ka guuraan goobaha ay ka degan yihiin, maadaama aanay suurto gal ahayn in ay is dhex deganaadaan hay’daha dawladda  xafiisyadooda iyo shicibku.

Sidaa daraadeed, waxaa lagu wargalinayaa dhammaan bulshadaasi inay goobahaasi kaga guuraan muddo bil ah oo ka bilaabanta 27kii bisha labaad kuna eeg 28-ka bisha saddexaad ee sannadkan 2019ka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here