SOMALILAND: Shil Naxdin Leh Oo Shalay Ka Dhacay Duleedka Gabiley Iyo Tirada Dhimadashada & Dhaawaca Uu Geystay

0
1

 

Gabiley (Hubaal) Shil uu sababay gaadhi nooca la yidhaa Noohada oo taayir u baxay isla markaasina siday rakaab badan oo kasoo raacay magaalada Wajaale ayaa waxa ku dhintay Afar qof oo midi yahay darewalkii baabuurka waday, Lix kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Shilkan oo shalay ka dhacay caro-tuulka oo galbeed kaga beegan magaallada gabiley ayaa Dhaawaca oo tiradoodu dhan tahay ayaa loo soo qaaday dhinaca magaaladda Hargeysa halkaasi oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka guud ee Hargeysa, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Agaasimaha cusbitaalka magaaladda Gabiley. “saaka (shalay) shir baabuur oo dhacay caro-tuulka oo galbeed kaga began magaalada Gabiley. Shilkaasi wuxuu ahaa 10 qof oo kala ah; 4 dhimasho ah iyo 6 dhaawac ah. Sida uu sheegay agaasimuhu afarta ruux ee geeriyooday ayaa kala ahaa, laba dumar ah iyo laba rag ah, sida uu sheegayna waxa dhimasho ahaan cusbitaalka la soo gaadhsiiyay labada raga ah, halka labada ruux ee dumarka ah iyagoo naftu ku jirto lasoo gaadhsiiyay balse saacado kadib ay ku dhinteen cusbitaalka.

SHARE
Article hore“Dugsi  Maleh  Qabyaaladi Wax  Ay Dumiso Mooyaane”- W/Q: A. A. Cumar (Wayab)
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here