Somaliland: Wakhtiga La Xaraynayo Dhalinyaradii Ku Guulaystay Mashruuca Shaqo-Qaran

0
1

Hargeysa (Hubaal) Agaasimaha Xafiiska dawladda u qaabilsan Mashruuca shaqo-qaran ayaa sheegay in horaanta todobaadka soo socda, maalmaha 17 iyo 18-ka Bishan la xareyn doono Dhalinyarada ku guulaysatay Shaqo-qaran.

Waxa uu intaa ku daray in Gabdhaha ku jira Liiska dadka ku guulaystay Shaqada Qaranka tababarka lagu siin doono Jaamacadaha Gobolada ay degen yihiin ku yaalla, balse Dugsiga tababarka ee Darar-weyne lagu xerayn doono Wiilasha oo qudha.

Halkan ka Daawo:

Dawladda Somaliland ayaa ilaa 1500 oo Qof oo dhalinyaro ah u qortay shaqo-qaran, waxaana laga soo xulay gobolada dalka oo dhan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here