“Somaliland Waxay Innaga Baryeysay In Ay Kenya Ka Furato Xafiis Hargeysa, Waxaynu U Diidnay Innagoo Tixgelinayna Jamhuuriyadda Argagixisadda Ah Ee Soomaaliya”

0
1

Hoggaamiyaha Isbahaysiga Thirdway Alliance Oo Dawladda Kenya Ku Canaantay Inay Ka Gaabisay  Xidhiidhka Ka Dhexeeya  Somaliland

Dr. Ekuru Aukot ayaa Sheegay In Dhibaatooyinta Kenya Kala Kulmayso Soomaaliya Ay Sii Soconayso Illaa Ay Dawladdu Xoojinayso Cilaaqaadka Ay La Leedahay  Somaliland

Nairobi(Hubaal)- Hoggaamiyaha Isbahaysiga  Thirdway Alliance ee dalka Kenya, Dr. Ekuru Aukot, ayaa dawladda Kenya ku dhaliilay inay ka gaabisay sidii ay xidhiidh diblomaasiyadeed ula yeelan lahayd  Jamhuuriyadda Somaliland. Dr. Ekuru Aukot oo ka hadlayey dood  ka baxday Telefishanka Ebru TV  Isniintii  la soo dhaafay oo lagu falanqeynayey xiisadda ka dhalatay cilaaqaadka Kenya iyo Soomaaliya oo xumaaday toddobaadkii la soo dhaafay,  waxaanu caddeeyey in Kenya ay  Xafiis diblomaasiyadeed uga furan weyday Somaliland,  iyadoo tixgelinaysa wax uu ugu yeedhay Jamhuuriyadda Argagixisada ah ee Soomaaliya.

“Somaliland waxay innaga baryeysay  in ay Kenya  ka furato Xafiis Hargeysa, Inkastoo Somaliland Nairobi ku leedahay Xafiis Ganacsi. Waxaynu u diidnay innagoo tixgelinayna Jamhuuriyada Argagixisadda ah ee Soomaaliya, Soomaaliya ayaa ku dirqiyaysa Kenya in aanay  xidhiidh la sameynin Somaliland,”ayuu yidhi Dr. Ekuru Aukot.

Siday Faafisay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) oo soo xigatay Telefishanka  Ebru TV, Hoggaamiyaha isbahaysiga Thirdway Alliance, ayaa sheegay   in dhibaatooyinta  ay Kenya kala kulmayso Soomaaliya sii soconayso  illaa ay Dawladda Kenya  xoojinayso  cilaaqaadka ay la leedahay  Somaliland isla markaana ay ciidammadeeda kala soo baxdo Soomaaliya.

Dr. Ekuru Aukot wuxuu sheegay in xudduuda u dhexaysa Kenya iyo Soomaaliya  aan wax calaamad ah lagu sameyn wixii ka dambeeyey markii ay dalalkaasi madax-bannaanida qaateen, waxaanu ku adkaystay in xalka kaliya ee muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya lagu xalin karo Maxkamadda caalamiga ah oo si rasmi ah uga garnaqda muranka xiisadda diblomaasiyadeed dhaliyey ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

SHARE
Article hore“Itoobiya Waxay Ku Fogaatay Aqoonsigooda Somaliland Si Dabiici Ah”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here