Somaliland Waxay Leedahay Ciidan Qaran Oo Leh Awood, Taliye Hoggaamin Iyo Hoodo Dagaal Leh !!

0
93

Madaxweynaha Muqdisho Mr. Armaajo waxaanu leeyahay fiiri: Somaliland waxay leedahay Ciidan Qaran oo leh Awood, Taliye Hoggaamin iyo hoodo-dagaal leh, Madaxweyne Halgamaa ah oo horena kuu jabiyey, Shacab heegan ah oo Hareerro tuban Ciidankooda.

Sidaasi awgeed waxaan Madaxweynaha Muqdisho oranahayaa Mr. Armaajo fidmada iyo dagaalka aad gelinayso Shacabka Puntland adigaa Dambarsan doona, adigaa dhandhami doona dhiigga aad horseedka ka tahay, dhagar-qabaha berito waad Adiga.

Haddaan intaa Armaajo ku dhaafo oraahdiisa, waxaan hambalyo iyo duco u gudbinayaa Ciidammada Qaranka Somaliland guud ahaan, gaar ahaan Ciidammada Jiidda hore, waxaan leeyahay Gef iyo Gar-darro Caddaan ah oo loo geysto Dadkeena iyo Dalkeena qaadan mayno, waxaynu ka xignaa dhimasho, Shacabka Somaliland-na waxaan leeyahay dagaalka Madaxweynaha Muqdisho ka bilaabay Puntland, waa dagaalkii Midnimada Soomaaliya lagu raadinayey ee lagu burburinayey Somaliland iyo Nabadgalyadeeda, sidaasi awgeed waan in Shacabka Somaliland u diyaar-garoobo difaaca Qaranka Somaliland.

Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo ahaa Mujaahid Halgamaa ah waxaan leeyahay iima muuqato in cadowga Somaliland lagu indho-shareerro, waxaanan kugu dhiirigelinayaa inaad Shacab iyo Ciidan-ba heegan geliso.

Sidaa iyo Guul

Wa Billaahi Tawfiif

W/Q: Mowliid Aadan Cumar

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here