Somaliland: Wefti Culus Oo Ka Socda Dalka Ingiriiska Oo Hargeysa Yimid Iyo Kulan ay Madaxweynaha yeesheen

0
1

Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Ingiriiska oo ay hoggaaminayso wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, ahna madaxa hay’adda horumarinta caalamiga ah ee DFID. Harriett Baldwin.

DAAWO: 

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay weftiga ka socda dalka Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Britain iyo wada-shaqaynta labada dhinac ee dhinacyada siyaasadda, horumarinta iyo iskaashiga, waxana madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska,  Marwo Ayaan Maxamuud Cashuur.

SHARE
Article horeHargeysa: Weerar Loo Adeegsaday Baatrool, Dab Iyo Rasaas Oo Lagu qaaday Qoys Xoolo-dhaqato ah
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here