SOMALILAND: Weriyaha Ruug-Caddaaga Ah, Maxamed Cali Waji Oo Loo Magacaabay Agaasimaha Telefishanka Qaranka

0
3

Wasiirka Warfaafinta Oo Xilka Ka Qaaday Agaasimihii Telefishanka Qaranka, Agaasime Cusbna Magacaabay

Hargeysa (Hubaal) Agaasimihii Telefishanka Dawladda Muuse Faarax Jaambiir ayaa xilkii laga qaaday, waxaana la magacaabay Agaasime cusub oo laga dhigay Maxamed Cali Waji oo ah Ruug-caddaa Warbaahinta dawladda wakhti dheer ka shaqaynayey.

Wareegto ka soo baxday Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Cabdiraxmaan Faarax Guribarwaaqo, ayaa lagu amray in agaasimihii hore si dhakhso ah xilka ugu wareejiyo masuulka cusub ee lagu bedelay.

Xil ka qaadista Agaasimaha Telefishanka Dawladda ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmo koobani ka soo wareegeen markii qayb kamida xarunta Wasaarada oo aad loo qalabeeyey dab qabsaday goor habeenimo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka W.DH.W oo lagu magacaabay agaasime cusub

SHARE
Article horeNarendra Modii Iyo Cimraan Khaan: Yaa Ku Guuleystay Dagaalka Aragtida Dadweynaha?
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here