Somaliland: Xorriyadda Ra’yi dhiibashada iyo Xadhiga Muwaadiniinta keebaa sax ah?

0
1

Si xun u adeegsiga Sumcada iyo karaamada madaxweynaha: Xoriyada Ra’yi dhiibashada iyo Xadhiga Muwaadiniinta keebaa sax ah?

W/Q: Prof. Mohamoud Hussein Farah (Hormuudka Kuuliyadda Sharciga ee Jaamacada Hargeysa)

 

Hordhac

Qormadaydani waxay daaran tahay arin cajiib ah oo baryahan dabe bulshadeena reer Somaliland ku dhex wareegaysay taas oo igu kaliftay inaan qoraalkan kooban diyaariyo markii aan arkey isku dhaca muwaadinka iyo xukuumadda/Bileyska oo sii kordhay sabab la’aan ee waliba arimaha khuseeya xoriyatul qawlka iyo rayidhiibashadda, gaar ahaan markii aan maqley booliska oo soo xidhey muwaadin fariin togan u dirayey xukuumadda iyo bulshadda isagoo ka xumaadey wixii uu kusoo arkey saldhig lagu xidhay iyo sidii loola dhaqmay, anigoo qormadan iyo taladaydan saldhig uga dhigaya, shareecadda islaamka, dhaqankeena suuban anshaxa iyo xeerarka heer gobaleed iyo kuwa caalamiga ahba , taas oo ah arinta Xoriyadda ra’yi dhiibashada, xadhiga muwaadiniinta wax toosinaya iyagoo ka duulaya mabaadiid iyo wax toosin.

Iyadoo loogu caga jugleeynayo in lagu eedeeyo Booliska ayaad cayday, madaxweynahii ayaad caydey si xuna dadka loogu turjumayo waliba six un loo adeegsanayo magaca madaxweynaha.

Ugu horeyn madaxweynaha iyo madaxdeenuba sharaf iyo karaamo ayey inaga mudan yihiin balse kuwa sida xun u adeegsanayaa waa habdhaqan iyo siyaasad fuulxun oo ujeedadeedu tahay in la tirtiro xoriyatul qawlkii iyo dimquraadiyadii aynu afrikadda kale dheerayn ee inlagu majeeraney, xadhiga noocan ahi waa mid wax u dhimaya sumacadii qaranka, laman hayo meel uu madaxweynuhu yidhi isoo xidha cidii fariin caafimaad qabta ama dhaliilaha ka jira hayadaha dawlada ee ujeedadoodu tahay toosin iyo baraarujin.

Marka aan sidaa leeyahay uma jeedo cidii dhaawac iyo aflagaado qaawan ku hadasha halla- daayo, balse qormadaydan ayaan ku sharixi doonaa ta wanaagsan iyo ta xun iyo ujeedooyinka laga leeyahay in muwaadinka iyo xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne muse Biixi Cabdi la isku dhufto si dano siyaasadeed iyo dano shakhsi loo helo.

Waan ogahay oo madaxweynaha maanta taliyaa waa ragii ka dagaalamay kalmadihi ma hadli kartid, isma difaaci kartid ,car juuq dheh, waana tii dalka ay ka xoreeyeen taas oo bulshadan reer Somaliland hiil iyo hooba la garab joogeen.

“Hadabba waxaan isweydiinayaa goorma ayuu wanaagii xumaan noqdey xumaantiina wanaag noqotay”! Hadii shaadhkaaga lagu yidhaahdo wuu dildilaacay ee tolo ma ceebaa mise waa nasteexo?.

Sidaa daraadeed, marka aynu si guud u eegno Caalamiyan waxa la isla aqoonsan yahay in Xuquuqaha bani’aadamku yihiin wax aanu qofka bani’aadamka ahi marnaba ka maarmi karin, la’aantoodna ayna suurto gal u ahayn inuu qofka bani’aadamka ahi ku noolaado nolol fiican oo raaxo leh. Sidoo kale xuquuqaha bani’aadamku waa aasaaska xaqiijinta wadajirka iyo horumarka dhaqan- dhaqaale, bulsheed iyo siyaaadeed ee bulsho ama ummad kasta. Sidaadaraadeed, bulashoweynta caalamku waxay soo saareen Baaqyo iyo Cahdiyo Caalami ah iyo kuwo Heer Gobeleed aoo dammaanad qaadaya ilaalinta iyo xurmeynta xuquuqaha bani’aadamka. Xuquuqaha bani’aadamka ee ay dammaanad qaadeen Xeerarka iyo Cahdiyada Xuquuqaha bani’aadamka ee Caalamka iyo ku Heer Goboleed waxa ka mid ah xoriyadda ra’yi dhiibashada iyo saxafadda xorta ah. Baaqyada iyo Cahdiyada caalamiga ah ee aqoonsan sidoo kalena dammanad qaadaya xoriyadda ra’yi dhiibashada iyo xoriyadda sxaafadda waxa ka mid ah kuwan soo socda:

Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqaha Bani’aadamka ee 1948dii:, Qodobkiisa 19aad; Cahdiga Caalamiga ah ee Xuquuqaha Madaniga iyo Siyaasadda ee 1966, Qodobkiisa 19aad; Cahdiga Xuquuqaha Dadka iyo Bani’adamka ee Afrika ee 1981, Qodobkiisa 9aad ; Baaqa Qaahira ee Xuquuqaha Addamaha ee Islamka ee 1991, Qodobada 22aad iyo 24aad; iyo Cahdiga Xuquuqaha Aadamaha ee Dalalka Carabta.

Marka la dhuuxo Qodobada baaqyada iyo Cahdiyada aan kor ku sheegeney, waxa ino soo baxaya in xoriyadda Ra’yi dhiibashadu ee qofka bani aadamki tahay xuq uu qofkasta u leeyahay in uu cabiro una badhigo rayigiisa hadal ahaan, qoraal ahaan, sawir ahaan, muuqal ahaan iyo qaab kasta oo kale ee warbaahineed; oo uu sidoo kalena ka radsadao oo ku helo warar iyo ra’yayda dadka kale qabkasta oo warbaahineed

Haseyeeshe qofku si uu u cabiro ulana wadaago ra’yigiisa bulshada uu ku dhexnoolyahay, ama u helo ra’yiga iyo afkaarta dadka kale ee bulshadiisa, waxa lagama maarmaan ah in ay jiraan nidaam ama qaab uu heli karo kuna baahin karo afkaartiisa, kuna heli karo afkaarta cidda kale. Taasina waxay lagamaarmaan ka dhigeysaa in uu qofkasta helo saxaafad ama warbaahin uu ku baahiyo fikiradiisa iyo araadiisa, sidoo kelna ku helo araada dadka kale iyo wararka ama macluumaadka khuseeya axwaasha iyo xaaladha dhaqan dhaqaale, bulsho iyo siyaadeed ee sida tooska ah ama dadban saamaynta ugu leh noloshiisa.

Muhiimadda saxaafaddu/warbaahaintu u leedahay qofka iyo bulshada guud ahaan waxa dheegan karaa odhaahda soomaaliyeed ee tidhaahda “ xog la helyaa talo la helyaa”. Saxaafaadu ama warbaahintu waxay horseedda in qofku ama bulshadu ama dawladdu helo/hesho xogo iyo macluumaad tusinaya baahiyaha dhaqan-dhaqale, bulsheed, iyo siyaasdeed ee u baahan dajinta qorsheyaal ka turjumaya waxka qabashada baahyahahaasi saameynta ku leh nolosha qofka, bulshada ama guud ahaan qarankaba. Sidaasi darteed ayay bulsho-weynta caalamku ugu aqoonsatey saxaafadda iyo warbaahintu inay qayb ka tahay xoriyadda ra’yi diibahshada ee qofka bani’aadamka.

Cahdiyada iyo Baaqyada Caalamiga ah iyo kuwa giboleed ee Xuquuqaha Bani’aadamka waxay dhigayaa xad aanuu qofku dhaafi karin marka uu adegsanayo xoriyadiisa dhhibasho. Inta badan ummadaha Qaramada midoobey waxay iala qirsan yihiin inay reban tahay soo bandhigista baahinta araada, macluumaadka ama wararka iyo baahinaha kale ee Xadgudub ku ah Xuquuqaha iyo sumcadda/sharafta dadka kale, Xambaarsan faquuq ama nacayb iama waxyaabaha la mid ka ah ee dhanka ka ah wadajirka iyo midnimida bulshada

Xadgudub ku aha ama dhaawac u geysankara anshaxa guud, amniga iyo xasiloonida qaranka, kala dambeynta iyo degenaanshaha bulshada,

Haseyeshee, sida ay dhigayaan Cahdiyada Caalamiga ah ee Xuquuqaha baniaadmku een kor ku shegeney, xaddidaada la saari karo xoriyadda ra’yi dhiibashada ama xoriyadda saxaafaddu /warbaahintuu si ay u noqoto xaddidaad sharci ah, waxa waajib ah in ay waafaqsan tahay shuruudahan:

Waa in uu sharci/xeer dhigayo Xaddidadaasi; 2. Xaddidaadaasina waa in ay noqoto mid si cad loo garan ama fahmi karo 3. Ujeeddada xaddidaaduna waa in ay tahay ilaalinta xuquuqaha iyo sharfta/sumcadda qofka kale, ka hortagga faquuqua iyo nacayka, iyo ilaalinta wadajirka bulshada, iyo dhawrista anshaxa guud, amniga iyo xasiloonida qaranka, kala dambeynta iyo degenaanshaha bulshada waa in in uu jiro xeer dhigaya xaddidaadaasi; iyo 4. Xaddidaadaasi tahay mid u dhiganata (proportaional) xoriyadda ra’yi dhiibashada ee qofka ama xoriyadda saxaafadda/warbaahinta.

Cahdiyada iyo baaqyada caalamaiga ah ee aan kor ku soo sheegney waxay Dawaladaha caalamka ku waajibiyeed iaalinta iyo xurmeynta xuquuqaha bani aadmaka ah oo ay ku jirto xoriyadda ra’yi dhiibashada iyo saxaafaddu. Iyagoo ka duulaya waajibaad koodaasna Dalalka Caalamku waxay Dastuuradooda ku aqoonsadeen xoriyadda ra’yi dhiibashada iyo saxaafadda.

Dastuurka Soomaalilandna kama reebbana Dastuurada aqoonsan xuquuqaha iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee bani’aadmka oo ay kamid tahay xuquuqda xoriyadda ra’yi dhiibashada iyo saxaafaddu. Waxase xusid mudan in sida uu dhigayo Qodobka 21aad ee Dastuurka Soomaliland, ,in Xuquuqaha iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee uu aqoonsaday dammanadna qaadayo Dastuurku loo fasirayo loona dabaqayo si waafaqsan Baaqa caalamiga iyo cahdiyada Caalamiga ah ee xuquuqaha aadamaha inta ay ka waafqsanyihiin ama la jaan qaadayaan Shereecada Islaamka.

Xoriyadda ra’yi dhiibashadu waxa si cad u dammanad qaadaya Farqadda 1aad ee Qodobka 32aad ee Dastuurka Soomaliland , oo dhigaya sidan: “ Muwaadin kastaa waxa uu xor u yahay in uu ra’yiguusa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaanama qaabkale oo xeerka waafaqsan” Sida ku cad farqadda 1aad ee Qodobka 32aad ee Dastuurka Somaliland, xoriyadda ra’yi dhibashadu waa xuquuq siinaysa qofka in uu ra’yigiis cabiro kuna dhiibto qaab qoraal, hadal, suugaan, sawir, muuqaal ama qaabkasta oo kale oo uu ku bandhigi karo ra’yigiisa. Markaaad eegto sida uu qodobka 32(1) u qeexay xoriyadda ra’yi dhiibashada wax aka muuqata in uu ka reebey xoriyadda uu qofku u leeyahay in uu raadsado ama helo warar iyo ra’yida dadka kele. Hase yeshee, sida aan kor ku soo sheegney, xoriyadda ra’yi dhiibashada ee uu dammand qaaday dastuurka Soomaaliland waxa loo turjumayaa si waafaqsan sida ay u damaanad qaadeen Cahdiyada Caalamiga ah ee Xuquuqaha Ban’aadamku ee aan kor ku soo arageny. Sidaasi darteed, xaqa rayi dhiibashada ee uu Dastuurka Somalilan aqoonsadey dammanadna qaadey waa in loo fahmo in aanay ahayn kaliya xaq uu qofkasta u leeyahay in uu ra’yigiisa cabiro una

bandhigo bulshadiisa iyo dadka kae, balse ay sido kalena tahay xaq uu qofkaasi u leeyahay in uu raadsado oo kana helo warar iyo ra’yiga dadka kale.

Si uu qofku u adeegsado ugana faa’iideysto Xaquuqdiisa ra’yi dhiibasho ee uu Dastuurku u dammaanad qaadey, waxa ku xidhan shardi ah in qofku ra’yigiisa u dhiibto si waafaqsan Xeerka. Haddii aan si kale u dhigno Dastuurku wuxuu ogolyahay in Xeer dhigi karo waxyaabo ka reeban oo aanu qofku xaq u lahayn in rayi ka dhiibto. Balse waxa xusid mudan in Xeerkasta oo xaddidaad saraya xaqa ra’yi dhiibashada looga baahan yahay in uu yahay ama noqdo xeer waafqsan farqadda 4aad ee Qodobka 25aad ee Dastuurka, kaasi oo ah Qodob Dastuuriya oo dhigaya xadka guud ( general limitations) ee xuquuqaha iyo xoriyaadka aasaasiga ah, una dhigan sidan: “ Dhammaan xoriyaadka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqaha qofka kale.” Sidaasidarteed, xaddidaad kasata oo uu xeer saarayo xoriyadda ra’yi dhiibashada waa in ay tahay xadidaad ujeeddadeedu tahay ilaalinta anshax iyo qiyamka guud, amniga iyo xasiloonida dalka iyo xuquuqaka qof kale ama dadka kale.

Haddii qofku xoriyadiisa ra’yi dhiibasho u adeegsado si xad gudub ku ah anshaxa guud, aminga ama xasillonida dalka ama xuquqaha dadka kale, qofkaasi waxa uu muteysan karaa oo Xeer saari karaa talaabo sharciyeed oo noqon karta inuu bixiyo magdhaw madani, ama in uu muteysto ciqaab noqon karta ganaax ama xabsi. Haseyeeshee, talaabada sharci ee laga qaadayo qofka ku xadgudba xadka xoriyaddiisa ra’yi dhiibasho waa in ay noqoto talaabo u dhiganta ama la miisaan ah (proportional) xadgudubka la galay si ayna talaabadaasi u noqon talaabo culays ku ah ama meeshaba ka saarta adeegsashada xoriyadda ra’yi dhiibashada ee qofku leeyahay. Tusaale ahaan maanta caalamku wuxuu isku raacsan yahay in cayda, dacaayadaynta, ku xadgudubka sumcadda iyo sharafta qofkale, hanoqdo qof shiiciba ama madax ama sarkaal dawladeed, aanay noqon karin faldambiyeedyo lagu muteysan karin ciqaab xadhig ama gannaax ah, balse ay tahay xadgudub madani ah oo lagu muteysan karo bixinta magdhaw lacageed ama raali galin. Hadiise ra’yi dhiibashadu noqoto mid dhaawacday ama dhaawaci karta amniga ama xasiloonida dalka, ama anshax guud ama wadjirka bulshada falkaasi wuxuu noqon karaa fal dambiyeed lagu muteysan karo ciqaab noqon karta xadhig/xabsi ama/iyo ganaax.

Xaaladda maanta iyo Rayi dhiibashadda :

Baryahan danbe waxaa soo kordhayey xadhiga iyo cagajuglaynta dadka rayigooda ku dhiibta si xor ah oo caafimaad qabta kana duulaya qodobada distoorka Somaliland u damaanad -qaadey eek u xusan qodobka 32 faqradiisa 1aad oo u dhigan sidan “ Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.,

Hadaba waa maxay is fahan la’aanta ka dhex jirta bulshaddda, dawladda iyo dadka rayigood raba iney ku dhiibtaan , si aan u helno jawaab sharci oo sax ah waxa mudan ineynu isweydiino su’aalahan soo socoda:

Waa kuwee kuwa rayigooda dhiibtaa?

Maxay bulshadu uga aamustaa xuquuqdooda distooriga ah? iyo

Waa maxay sababta hayadaha aminga iyo fulinta sharcigu si cad ugu fahmi laayihiin arimahan oo inta badan keena isku dhaca iyo xadhiga?

Madaxweynuhuse ma ogyahay arimaha noocan ee dalka ka dhacaya ?

Xalkuse waa maxay?

Waa kuwee kuwa rayigooda dhiibtaa?

Hadaba hadii aan ka jawaabno suaasha hore; Dadka sida xorta ah rayigooda u dhiibtaa ee bulshadeena ka tirsani waxay isugu jiraan laba nooc oo kala ah nooca kowaad ee khuseeya rayi dhiibashada caafimaadka qabata ee ka fayow nacayb iyo kala fogayn aaney ku jirin kuwaas oo ku dhisan Nadariyada dooda runta ah iyo Runimadda ku salaysan ee aan la caabin karayn (The Argument of Truth) sidoo kale waa rayidhiibasho badanaa ku dhisan nadariyadda dimuqaaridayadda (Democratic Self-Governance), noocan ujeedada ugu muhiimsan ee xoriyadda rayi dhiibashadu waa ilaalinta xuquuqda muwaadinka taas oo loogu baahanyahy si loo fahmo arimaha siyaasadeed si ay muwaadiniintu uga qayb qaataan hanaanka talawadaaga iyo wadada dimuqraadiga ah.

Iyadoo sidaa ay tahay hadana fikirkani waxa uu ku kooban yahay oo kaliya arimaha siyaasiga ah ee waliba hadalada siyaasadeed taas oo la is odhan karo nadariyaddani waxay meesha ka saaraysaa rayidhiibashadii lagu gudbineyay qoraalka iyo farshanimadda Badanaa noocan ama hanaankan dadka rayigoodan dhiibtaa waxay ka duulaan mabaadiid ay ku saxayaan ama ku toosinayaan nidaamka ay dhaxalka u leeyihiin, iyo nidaamkooda dawladeed taas oo ay dhaliilo toosin iyo baraarujin ah ugu diraan qaab fariin iyo farshanimo suugaaneed qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerarka iyo anshaxa suuban ee islaamka iyo dhaqankeenu aqoonsanyahay. Sidaa si la mid ah waxa kale oo aqoon cilmi oo xeeel dheer lagu ogaadey jirtaanka dood kale taas oo taageeraysaa nadiriyadda odhanaysa Dhamystirka shakhsiyadeed,(Self-Fulfilment) marka la eego doodan waxa ay leedahay ujeedada rayi dhiibashada laguma xadidi karo helida nidaam xukuumadeed oo wanaagsan ama raadinta runta , balse waxa ay soo kordhineysaa qiyam cusub sida kobaca qofnimo iyo isku filaanshaha shakhisayadeed taas oo ay tahay in la dhawro ‘personal growth and self realisation’

Qaybta labaad waa nooc rayigooda u dhiibta six un ujeedkooduna yahay kala fogeyn, nacayb, ama dan shakhsi oo uu wax ku yeelayo cid kale. Hadabba Si uu qofku u adeegsado ugana faa’iideysto Xaquuqdiisa ra’yi dhiibasho ee uu Dastuurku u dammaanad qaadey, waxa ku xidhan shardi ah in qofku ra’yigiisa u dhiibto si waafaqsan Xeerka, taa mahnaheedu waa inaanu ku xadgudbin xuquuqo kale rayigiisana u dhiibto si xalaal ah. Noocan badanaa waxa ay mutaystaan isku dhac iyo khilaaf ka dhasha xuquqaas xuduudoodi la dhaafiyey.

Maxay bulshadu uga aamustaa xuquuqdooda distooriga ah iyo

Si aan si toosa u abaarno jawaabta su’aashani waxa ay noqoneysaa dadku ama bulshadu Somaliland ma taqaano waxa uu distoorku xaq u siiyey iyo waxa uu ka reebay xeer, taas oo ay ugu wacantahay in 93% dadkeenu aaney aqoon xuquuqdooda aasaasiga ah taas oo ay ku taageeri lahayeen ama ku kobcin lahayeen garaadkooda rayidhiibasho. Waxa kale oo ka sii daran badanaa bulshadda reer Somaliland waa dad ku mashquulsan wax aan dantooda ahayn sida qabyaaladda, siyaasadda ku jiqsii, luminta wadajirka, taasina waa sababta ay bulshadeenu u lumisay xuquuqo farabadan oo ay lahaayeen sida iney helaan caafimaad, biyo nadiif ah, wado , waxbarasho tayo leh oo bilaash ah iwm. Intaa waxaa sii dheer aqoon la’aan , saboolnimo iyo dad aan dantooda ku foogneyn balse arimaha dhaqdhaqaajinta qabyaaladda iyo nin jeclaysiga ku caan baxay

Waa maxay sababta hayadaha aminga iyo fulinta sharcigu si cad ugu fahmi laayihiin arimahan oo inta badan keena isku dhaca iyo xadhiga?

Inkastoo wacyiga, dhibaatooyinka iyo waayaha ku gedaaman hayadaha fulinta sharcigu aad u badanyihiin ilaa hadana aan la helin xalkii iyo xuluushii iyo dib u habeyntii aynu ka fileyney nidaamka ama qaabka ay maanta u shaqeeyaan, hadana waxa jirta marka aynu ka hadlayno sababta ay u hor istaagaan rayidhiibashadda waxaan u kala qaadeyna xaaladahan soo socda midkood; mida koowaad waa waajib saran iney ka hortagaan wax kasta oo abuuraya nacayb, nabadgalyo daro, ku tumasho xuquuqeed , israacsanaanta Qaranimada iyo waxkasta oo lid ku ah nidaamka guud. Taas oo ah noocii labaad ee xagga hore aynu ku soo sheegney

Nooca 1aad: waa mid jawi caafimaad qaba ku yimaada ujeedadiisuna ay tahay danta aynu wada ilaashano, beedku yaanu inaga jabin, aynu fadhiga ka kacno iyadoo la sheegayo kolba dhiliilaha ka jira arimaha dhaqan-dhaqaale ama siyaasi, balse hayadaha fulinta sharcigu si xun ula dhaqmaan qaladaadkuna xagooda ka yimaado taas oo ay ugu wacantahay arimahan soo socda:-

Iyagoo xaalad abuur ah ama aan dooneyn dalku inuu dimuqraadi noqdo ama dad gaar ah ugu adeegsada dano siyaasadeed, taas oo dhexdooda loo adeegsado siyaasad si loo mija xaabiyo dimuqaardidyada ka hana qaadey dalkeena,

Iska horkeenida Xukuumadda iyo shacabka si ay u muujiyaan in xukuumadu u baahantahay si loo dajiyo kacdoonka shacabka taasina waa mid ina xasuusineysa guulwadaha xaalkiisa

Aqoon la’aan

Wacyiga sharciga oo aad u hooseeya ama aaney ka warqabin iyagoo dhamaatoodna ay tiir aqooneed ka dhigtaan sidii ay wax ahayeen markii uu jirey kalidii taliskii siyaad barre

Iyagoo dhexdooda loo adeegsado siyaasad si loo mija xaabiyo dimuqaardidyada ka hana qaadey dalkeena,

Iyagoo ka dhigta arimaha rayidhiibashada goob ay laaluush ku qaataan taas oo aad arkeyso marwalba iney ku doodaan madaxweynaha ayaa la caayey , meel aan ceyi ooolin sida; abwaanada suugaanta ku muujiya ama madaxweynaha ugu gudbiya fariintooda hab suugaaneed iagoo sheegaya fuulxumada nidaam ee ka jirta meelaha kala duwan ee dawladda marmarsiiyna uga dhigta qofka ay xidhaan madaxweynihii ayaa la caayey, policekiibaa la caayey, wasaaradihiiba la caayey. Iyagoon kala saareyn dhaliisha iyo cayda.

 Madaxweynuhuse ma ogyahay arimaha noocan ee dalka ka dhacaya ?

Jawaabta su’aasheena ugu danbeysa ee ah ma ogyahay madaxweynuhu , qayb ahaan haa, waa ta waajibka distooriga ah uu saarey ee ah inuu la dagaalamo wax kasta oo bulshada nabadgalyadeeda wax u dhimaya , balse marna uma dhaaran in ciidanka boolisku si xun u adeegsadaan arimahan , waxa kale oo ah inuu madaxweynuhu ogaado sababta ugu weyn ee waxani u dhacayaan iney tahay aqoon la’aan iyo jahli ku habsadey ciidanka booliska Somaliland oo u baahan aqoontooda la dheeli tiro, sidoo kale waxa ay waxani u dhacayaan.

Qaybta kale ee aanu ogeyn madaxweynuhu waa arinta musuqmaasuqa, laaluushka, eexda, qabyaaladda, jahliga, awood darida, isla weynaanta aan meel gaadhsiisaneyn, ku maxaabsiga kalmaddo tilmaamaya kaladii taliye sida “waxaad caydey madaxweynihii”, sidiisiibaad u talaabsatey matalaysaa, “muwaadin dalka gudihiisa ka shaqeeya ayaad madaxweynihii ku tidhi (Madaxweynuhu waa Local), taas oo muddo dhaaf lagu haysto saldhigyadda si muwaadinka iyo ehelkiisa loogu baadho jeebkooda, qofka aan ehel daba socda lahayna hadalkiisaba daa waa looma ooyaan!. Waxa kale oo aanu madaxweynuhu ogeyn in shaqo ay u tahay baadhayaasha boolisku iney naas irmaan ka dhigtaan cadaaladana ku daahiyaan, run ahaantiina waa meesha cadaaladda dalku ka qaloocdo.

Xalka iyo Talo bixintu waa;

In la ixtiraamo Dastuurka, Mabaadiida Shareecadda Islaamka, Xeerarka iyo dhaqanka suuban iyadoo la dhiirigalinayo Xorriyadda ra’yi dhiibashadda aan turxaanta lahayn ee caafimaadka qabta, si loo kobciyo garaadka iyo ra’yiga bulshadda Somaliland.

In hayadaha sharciga fuliyaa fahmaan xuquuqda distooriga ah

Inaan sumcada iyo karaamadda madaxweynaha loo adeegsan dano shakhsi iyo mid siyaasi ahba.

In hayadaha sirdoonku baadhid ku sameeyaan waxa dhacaya iyo sida ay u dhacayaan talo wax ku ool ahna madaxweynaha ka siiyaan iyadoo la adeegsanayo mabda isdheelitirka (separation of power, Check and Balance), tan macnaheedu waa in hayada sirdoonku xog ka haysaa hayadaha dawladda dhexdeeda iyo dibadeba ,

In Laamaha ay khuseyso arintani ee xukuumadda, iyo gaar ahaan gudida xuquuqul isaanka , la taliyayaasha madaxweynuhu warbixin ka siiyaan Madaxweynaha JSL xaaladda maanta ee rayidhiibashadda. Sidoo kale waa inuu helaa madaxweynuhu aragtida Bulshadda rayidka ah ee ku wajahan Xorriyadda Ra’yi dhiibashadda iyo caqabadaha ay kala kulmaan.

In dhamaan muwaadiniintu ilaahay ugu mahadnaqaan oo aaney ka badbadin waayo xoriyatulqawlaka iyo rayidhiibashadeenu waa mid aan xataa xadkeedii dhaafiney, cidii wax u dhimaysana laga cawdo bulshaduna meel uga soo wada jeedsato, waayo waxyaalaha boolisku u adeegsado waxaa ka mid ah kalmadaha “Kicin dadweyne’ iyagoon fahmin maxaa kicin dawdewyne noqon kara, maxaase aan noqon Karin

In bulshada rayidka ahi iyo dhamaan fagaarayaasha rayidhiibashadu xidhiidh dhaw la sameeyaan xukumadda. Cadawna aaney u arag dawladooda.

In la miisaamo ra’yi dhiibashada iyadoo loo kala saarayo mid waxyeelo leh iyo mid wanaag leh.

Prof. Maxamuud Xuseen Faarax

Bare sare oo Jaamacaddeed iyo Sharci yaqaan

Xigasho: https://www.facebook.com

SHARE
Article horeCiidammada Ammaanka Kenya Oo Weli Wada Hawlgal Lagu Soo Afjarayo Weerrarkii Nairobi
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here