Somaliland: Xukuumada Oo Sheegtay In Sanadka Soo Socda Hargeysi Biyo Ku Filan Heli Doonto

0
1

Wasiirka Horumarinta Biyaha Hortegay Guddida Joogtada ah Ee Golaha Wakiillada

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo shalay warbixin siiyay guddida joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in sannadka innagu soo fool leh 2019 ay boqolkiiba todobaatan iyoo shan (75%) ay magaaladda Hargeysi heli doonto biyo. “annaga oo garanayna baahid biyaha loo qabo, iyo annagoo qiimaynayna waqtiga ay soo jiitantay iyo annagoo isleh runtii dadku samir yar may samayn, intay Hargyaysi biyo sugaysay. Maanta waxaan dadweynaha u sheegayaa in biyuhu sanadka soo socda ay biyuhu iman doonaan Hargeysa oo aynu buuxin doono, baahida dadkana wax badan ka qaban doono.” Ayuu yidhi Wasiir Koore, “iskamaanu odhan ee kormeer badan iyo xisaabtan badan iyo xidhiidhka hay’adaha oo meelkasta oo aanu isleenahay waxbaa ka iman waanu dhamaynnay.” Ayuu hadlakiisa sii raaciyay wasiirku

SHARE
Article horeMuusiishan Maxamed Miyir Oo Xalay Ku Geeriyooday Hargeysa Iyo Xukuumadda Oo Ka Hadashay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here