Somaliland: Xukuumadda Oo Jawaabtay Eedaymo Loo Jeediyey Wasiirka Arrimaha Dibadda

0
1

Hargeysa(Hubaal)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda  ayaa iska difaacday eedaymo loo jeediyey Wasiirka Arrimaha dibadda  Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Yuusuf Cali, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka wakaaladda  Wararka Somaliland ee SOLNA,  ayaa lagu sheegay in Wasiirku aanu ku takrifalin dhaqaale ummadeed balse qaranka ugu shaqeeyo sida ugu habboon.

“Waxaan doonayaa in aan halkan ka cadayno in habayaraatee aan lagu takrifalin lana leexsan hantida wasaaradda, taas oo loo adeegsado wixii loogu talagalay oo keliya,” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka Wasaaradda Khaarajiga.

Sidoo kale waxa lagaga hadlay maalgalinta Dekedda Berbera ,iyagoo sheegay in wakhtigan ay marayso meeshii ugu wanaagsanayd.

“Waxaa iyana saxaafada la mariyaa dhaliilo iyo eedaymo la xidhiidha mashruuca dekedda Berbera ee DP World. Waxaanu halkan ka caddaynayaa in mashruucaasi yahay mid aad u qiimo badan dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca siyaasadaba,” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka, waxaanay  intaasi raaciyeen “Wejiga labaad ee mashruuca oo ah ballaadhinta dekedu wuxuu bilaabmayaa sida qorshu yahay bisha Oktobar sannadkan.”

 

WAR-SAXAAFADEED-XUKUUMADDA

SHARE
Article horeErdogan Oo Ku Hanjabay In Turkiga Uu Joojin Doono Isticmaalka Doolarka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here