SOMALILAND: Xukuumadda Oo Sheegtay In La Gacanta Lagu Dhigay Qaar Ka Mid Ah Gacan-Ku-Dhiigleyaashii Ceel Af-Weyn Dilka Ka Geystay

0
1

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Ehelada 7 Marxuum Oo Dorraad Ku Geeriyooday Ceel-Afweyn

Hargeysa (Hubaal) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay Dil Deegaanka Ceel Af-weyn loogu geystay 7 Qof.

Madaxweyne ku-xigeenka oo Tacsi u diray Ehelada Dadka lagu laayey deegaanka Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag, ayaa sidoo kalena sheegay in la qabtay qaar ka mid ah Dablaydii dilkaa geysatay xubno ka mid ah.

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal Tacsi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:

“Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiintii ku geeriyootay shalay (dorraad) Ceel-afweyn oo dhammaa Todoba ruux oo afar ay haween yihiin. Iyadoo Ciidamada amnigu ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mida dablaydii geysatay fal-danbiyeedkaa foosha xun, laguna daba jiro intii kale, waxaana socda hawl-galka lagu baadi goobayo hadhaaga dablaydaasi iyadoo la horgeyn-doono sharciga, ehelada dadkooda ku waayey falkaasina waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku adkaynayaa inay dejiyaan xaaladooda kana war-sugaan  hawl-galka ciidamada iyo horgaynta sharciga.

Ku simaha Madaxweynaha Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, wuxuu ugu baaqayaa bulshada deegaanka ceel-afweyn inay xil iska saaraan adkaynta amniga. Xukuumadda Somaliland marnaba ma aqbalayso dhiiga dadka ehelka ah ee maalin walba macno la’aanta ku daadanaya.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu amrayaa ciidamada amaanka iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran inay sugaan nabadgelyada deegaankaasi, cid kasta oo falal amni daro ku hawlana ay gacan bir ah ku qabtaan.

Waxaanu Madaxweyne ku xigeenku marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, inta dhaawaca ahna uu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado dhibaatada…”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

SHARE
Article horeFool-Xumooyinka Ka Socda Ceel-Afweyn Iyo Khatarta Ay Leedahay Dilka Loo Gaysto Qof Muslim Ah
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here