“Soomaali Iyo Cid Walba Nabad Baannu La Doonaynaa, Ninkii Nabadda Diida Ee Loo Taag Waayona Waannu Edbinaynaa”

0
1

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Farriimo Cad-cad u Kala Diray Puntland iyo Maamulka Muqdisho

Caynaba-(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag u deedafeeyey eedaymo ay golaha wasiirrada maamulka Puntland ku majaro habaabinayeen safarka uu ku marayo gobollo kamid ah dalka, waxana uu meesha ka saaray in xukuumadda uu hoggaamiyaa wax cabudhin ah ku hayso bulshada ku dhaqan gobolka Sool.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay soo dhaweyn ballaadhan oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayo loogu sameeyey magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar, ayaa ugu horrayn si weyn u ammaanay shacabka ku dhaqan gobolka Sool, waxana uu sheegay inay dadkaasi yihiin bulsho taariikh ma-guurto ah leh, isaga oo meesha ka saaray inay wax colaad ahi ka jirto maamulka Puntland iyo Somaliland dhexdooda, “Dadka reer Sool dad la cabudhin karo ma aha, waa dhashii daraawiishta oo cidina xoog iyo hanjabaad ulama timaaddo, walaaltinimo iyo maxaynnu yeelnaa baa loola tagaa, waxana aannu leenahay Soomaali maanta uma baahna cabudhin, xoog iyo dagaal, waliba Somaliland iyo dawlad-goboleedka Puntland waligood khilaaf hore iyo colaad hore kama dhexaynin, waana isku xaalad oo labaduba xaalado abaareed oo dhaqaale baa haysta,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana uu intaas ku daray,

“Dadka Puntland annaga waxba nama dhex yaallaan, dadka reer Puntland-na waxannu u naqaannaa dad gob ah, talo qabeen ah oo aan dadka ku ciir-ciirin, qoladan dhallinyarada ah ee imika xukunka haysana waxan leeyahay sidii awoowayaashood iyo boqorradu u dhaqmi jireen ha u dhaqmaan oo miyirka ha soo celiyaan, cidda aynnu is haynno ee  dhibaato ka taagan tahayna waa maamulka Muqdisho.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here