Soomaaliya Oo La Siinayo Diyaaradaha Drones-Ka

0
15

Nairobi (Hubaal)-Dawladda Maraykanka ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn siinaysa dawladda Somaliya, kuwaas oo ay dawladda Somaliyana sheegtay inay kula dagaalami doonto kooxda Al-Shabaab, waxaana loo tababarayaa dadkii ugu shaqayn lahaa Somaliya.

 drone

Afhayeenka u hadlay dawladda Somaliya  Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa wakaaladda wararka ee Xinhua u sheegay in wadamada saaxiibka ama kuwa taageera dawladda ay ka caawin doonaan howlgalada ka dhanka al-Shabaab. Diyaaraddaha drones-ka ayaa hore Soomaaliya ka fuliyey dilal loo geystay saraakil muhiim ah oo ka tirsan ururka al-Shabaab.

Waxase ay dad badani isweydiinayaan sida ay dawladda Somaliya u maamuli doonto diyaaradahaas, maadaama oo ay horeba ugu fashilantay maamulida hub ay dawlado kala duwani ugu deeqeen.

source:geeska

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here