Soomaaliya Oo Qarka U Saaran Macluul Kale

0
36

London (Hubaal) Diblomaasiyiin ayaa ku sii qulquleya magaalada London oo lagu wado in lagu qabto shir ku saabsan arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, kaasoo lagu lafa gurayo dhibaato kusoo fool leh dad gaadhaya 2.7 million oo Soomaali ah.

Hay’adda arrimaha Qaxootiga ee laga leeyahay Norway ee NRC ayaa ka digtay in haddii aan gargaar deg deg lala soo gaadhn dadkaasi ay horssedi karta xaalad macluul oo mar kale Soomaaliya ku habsata.

”Bulshada Caalamka ayaa kal hore badbaadisay kumanaan kun oo qof oo ay soo food saartey abaar sanadkii hore, iyagoo sameeyey kahor tag inta aaney faraha kabixin xaaladdu”, ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda.

Dalka Soomaaliya ayaa sanadkii hore waxaa ka dhacey abaar daran, halka sanadkanna dad gaaraya 2.7 million ay ku jireen xaalad deg dega, maadaama aaney helin quutul duruuriga maalinlaha ah.

Hey’addaha gargaarka ayaa doonaya in looggu yabooho 1.5 billion lacag gaareysa, si ay u fidiyaan barnaamijyo muddo socda oo lagu kaalmaynayo bulshada, si looga hortago in dhibaatooyin kale dhacaan.

Caruur lagu qiyaasay 300,000 oo ay da’doodu kayar tahay shan sano jir, ayaa waxaa haysa macluul.

”Inkastoo ay jirto abaar, haddana waxaa dhanka kale jira amni darro taasoo xaaladda ugga sii dartey. In kabadan 1.1 million oo qof ayaa guryahooda isaga cararey kadib markii uu saameeyey dagaalo ay keeneen macluusha iyo abaarta” ayay tiri NRC.

Sanadkii 2016 waxaa jiray malaayiin qof oo dalka gudihiisa ku barakacday. Ilaa iyo hal milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa dalalka dersika ah qaxooti ku ah.

Xigasho: BBC-somali

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here