HUBAALMEDIA.COM
Suldaan Ka Hadlay Goobaha Ay Xukuumadda Ka Qaaday Xayiraaddii Codeynta Ee Waqooyiga Hargeysa
August 31, 2016 - Written by Mustafe Faro

“Xukuumadda Hal Baan Leeyahay, reer Awdalna Hal Baan Odhanayaa”-Suld. Mawliid Sabayse

SULDAAN SABEYSEHargeysa (Hubaal) Suldaan Mawliid Cali Ibraahim Sabbeyso ayaa ka hadlay deegaannada caasimada Hargeysa ee sida weyn loogu kala aragtida duwan yahay in laga qabto diiwaangelinta doorashooyinka iyo sidoo kale gobolladii lakala raacin lahaa. Suldaan Sabbeyso oo shir jaraa’id ku qabtay shalay magaaladda Hargeysa waxa uu si gaara fariin ugu diray qaybo ka mid ah bulshada ku dhaqan gobolka Awdal oo dhankooda si weyn uga hor yimid go’aanka xukuumadda kasoo baxay ee la xidhiidha in diiwaangelintu ka qabsoonto deegaannadaas “anigoo  Suldaan Sabbeyse ah hal baan odhanayaa reer Awdal, xukuumaddana hal baan leeyahay. oo waxaan odhan lahaa gobolka Maroodijeex lixdii goobood ee ka xayirnaa geyntaa aad geynaysaan waad ku mahadsan tihiin oo waanu idinku garab taagan nahay. Lixdan goobood waa deegaankayagii, waa nasiib darro habeen walba in Tv-yada rag salaadiinna oo reer Awdal ahi intay soo fadhiistaan ee lixdii goobood ee Maroodi-jeex ka xayirnaa ay leeyihiin dagaalbaa ka dhici doona, waxaan leeyahay reer Awdal-ow Somaliland-tan waad ku faa’iideen ee Rabashka yaraysta Ilmaadeerayaal.” Ayuu yidhi Suldaan Sabbeyso oo shalay Saxaafadda la hadlay, waxaana isagoo ka hadlay deegaannadan ay bulshada reer Awdal ka hadlayeen mudooyinkii u dambeeyay ee xukuumaddu go’aanka kasoo saartay in diiwaangelintu ka qabsoonto uu yidhi; “ Suldaan Tv waa looga wanaagsan yahay, colaad inuu abaabulo waa looga wanaagsan yahay, markaasi anigu waxaan leeyahay lixdaas gooboodba shalay ayaan tegay oon kasoo noqday, waanay ka dhacaysaa diiwaangelintu.” Ayuu yidhi

Lixdan goobood ee hore uga xayirnaa doorashooyinka ee haatan go’aanka laga soo saaray inay doorashooyinka soo socda ay ka qabsoomaan ayaa kala ah; deegaannada Ceel-sheekh, Cabdi Geedi, Ceel Lahelay, Bil-dhaaley, hadeyta iyo Hulka. Suldaan Sabbeyso oo farriin u diraya bulshada ku dhaqan ama kasoo jeeda deegaannadaasi ayaa mar kale yidhi; “qolada Ciise, Nimankaa Ciise ee reer Binu Axmed iyagan waxaan leeyahay, Annagu Seylac idinkumaanaan qabsan xildhibaannadiinii, halkii innoo xad ahayna waad garanaysaan, waxaas oo dhanna waxaan leeyahay Ciise-ow nimankaa reer Awdal idinkaa kac kiciyaye halkoodii nagaga celiya. Innagu dad isku deegaan ah oo isdhex yaala ayaynu ahayn xudeedeenuna Laanta Cawda ayay ahayd, waydun garanaysaan, markaa maanta inaydun tidhaahdaan Ceel-sheekh baynu ku dagaalami, Ceel lahelay iyo Hulka ayaynu ku dagaalami waa laga wanaagsan yahay, oo dawladdina idinka yeeli mayso, ummaddii dhulka lahaydna idinka yeeli mayso. Innaga Ciise-ow waxbaa innaga dhexeeyay, laakiin nimankaa reer Awdal iyagu baroortoodu Orgiga way ka weyn tahay, Waxaanay lahayn bay daydayayaan. Waxaan leeyahay duldaankaanu abtiga u nahay ee habeen walba caytamaya ee ‘hayaay ka kacaayda haya” waxaan leeyahay Abti meesha madaxaagu kasoo jeedo iyo meesha magankaagu kusii jeedo midna laguma dheereeyo, colaada aad afuufaysana dhulka ayaan ku leeyahay.” Ayuu yidhi Suldaan sabeyso, waxaanu gabagabadii usoo jeediyay bulshada ku dhaqan deegaannadaasi inay u diyaar garoobaan diiwaangelinta ka bilaabmaysa oo ay is diiwaangeliyaan.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews