“Suldaan Maxamed Maaha Nin Looga Baqo Qarannimada Somaliland” Boqor Badmadow

0
35

Boqor Bad-Madow Oo Sheegay Inay Nabaddeyn Ugu Baxayaan Beello Ku Dagaalamay Gudaha Itoobiya

 Hargeysa(Hubaal)-Boqor Axmed Maxamed Xasan (Badmadow), oo kamida Isimada dhaqanka ee Somaliland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhaliilo loo jeediyey Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi Qaadir, waxaanu  sheegay inaanu Suldaanku geyin in lagu cambaareeyo inuu qadiyada Somaliland muduci ka yahay.

“Suldaan Maxamed waa Muwaadin dhab ah, waa hogaamiyaha dhaqanka ee Somaliland, maaha nin looga baqo qarannimada Somaliland, mana geyo in lagu dhaleeceeyo waxaanu muteysan oo aanu mudnayn”sidaas ayuu yidhi Boqor Badmadow.

BAD-BADOWBoqor Axmed oo sii faah-faahiyey dareenkiisa ku aaddan dooda hadal uu Suldaan Maxamed ka jeediyey Xaflad sagootin ah oo loogu sameeyey Garoowe todobaadkii hore waxa uu intaas raaciyey “hadalka Suldaanka lagu maagayaa, hadii uu yahay  ha laysu furo Isu socodka bulshooyinka  iyo Ganacsiga Dadka reer Somaliland iyo kuwa Puntland, waa waxa uu Cimaamada u sito ee uu Suldaanka ku yahay, waanu ku saxsanyahay, gooni isu taaga Somaliland waa arrin muqadas ah oo aan qof iyo laba toona ka go’in”ayuu sii yidhi isagoo la hadlayay Gobanimonews gelinkii dambe ee khamiista.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Boqorku “Suldaan Maxamed waa Suldaanka ,Salaadiinta Somaliland, Salaadiintuna waxa shaqadoodu tahay ka shaqaynta nabad-gelyada, sidaad daraadeed, waxaan halkan ka caddeynayaa inaanu aniga iyo Suldaanku dhawaan u bixi doono ergo nabaddeed oo aanu ugu gurman doono Dadka Walaalaha aynu nahay ee Beesha Sheekhaal ee  degen gudaha Itoobiya oo colaadi u dhaxayso, annagoo howshaas inshaalah rejo wanaagsan ka qabna inaanu ku guulaysan doono” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Hadalkan Boqor Bad-madow ayaa daba socda dood ka taagan hadal ay isku khilaafeen madaxdhaqameedka somaliland oo uu Suldaanku kaga dhawaaqay Magaalada Garoowe.

Geesta kalena waxa uu Boqor badmadow Hambalyo u diray Shacbiga Somaliland iyo guud ahaanba Umadda Muslimka dabaal-dega Ciidal Fidriga awgeed, isagoo Shacbiga ku booriyey Ilaalinta Nabad-gelyada iyo midnimadooda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here