HUBAALMEDIA.COM
Suldaan Xukuumadda Ka Dalbaday Inay Bixiso Kharashka Deeqaha Waxbarashadda Ardayda Beelaha Gobooye
August 27, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Hubaal): Suldaan Nadiif Saydh Jibriil, oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa ugu baaqay xukuumadda gaar ahaana wasaaradda maaliyadda in la sii daayo kharashka lacageed ee ardayda beelaha la hayb-sooco lagaga bixiyo jaamacadaha.Waxaanu sheegay suldaan Nadiif in ardaydaasi oo sanad walba ay xukuumadda Somaliland ka bixiso lacagta Fee-ga jaamacadaha in sanadkan uu hakad galay, isla markaana   in hadda ardaydii beelaha Gabooye ee jaamcadaha geli lahaa sanadkan in laga hor is-taagay.

Suldaan Nadiif, oo qoraal uu arrintaasi kaga hadlayo soo gaadhsiiyay shabakadda Gudgudenews, waxa uu tilmaamay in lacagtaasi ardayda beelaha gabooye lagaga bixyo jaamacadaha oo ku jirtay miisaaniyadda dawladda ee sanadkii 2014-kii waxaanu yidhi “Anigoo ah Suldaan Nadiif Saydh Jibriil, waxaan halkan si sharaf iyo Milgo leh uga codsanayaa wasiirka wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi maaliyadda inay si dhakhso ah u sii daayaan ardaydii beesha Gabooye ay xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasaaradda maaliyadu ay siisay deeqda waxbarasho, miisaaniyad sanadeedkeedkii 2014. Ardaydaas   oo tiradoodu dhan tahay 26 arday. Taas oo aanay weli ilaa hadda   sii daynin wasaarada maaliaydu lacagtii, ardaydiina Jaamacadaha laga soo saaray.”

Suldaan-NadiifDhinaca kale suldaanka ayaa eedeeyay xubno uu sheegay in ay isku beel yihiin, kuwaasi oo uu sheegay in ay sabab u yihiin in la joojiyo lacagtaasi jaamacadaha lagaga bixiyo ardayda ka soo jeedda beelaha la hayb-sooco. “Waxa kale oo halkan ka eedaynayaa shaqsiyaad ka mid ah beesha   Gabooye oo u sabab ah isla markaana hakad geliyay deeqdii waxbarasho ee ardayda Gabooye la siin lahaa. waxaan leeyahay waar ardaydu waa ubaxii u soo kacayay dalka, gaar ahaan beesha Gabooye. waar waxaan idin leeyahay adeer mustaqbalka dhalinayaradda gacantiina ha ku burburinna. Xukuumadan hadda talladda haysaa, waa xukuumada keliya ee intay Somaliland jirtay waxqabad la taaban karo u qabatay beesha Gabooye gaar ahaan xagga waxbarashada. waxay sanadihii ugu dambeeyay siisay deeqo waxbarasho oo kala duwna waanay ku amaanan tahay xukuumadeena uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed “Siilaanyo.”

Waxaan mar labaad ka codsnayaa inay wasiirka wasaarada maaliayda inay sida ugu dhakhsaha badan loo sii daayo lacagtaa ardayda liiskooda ay soo gudbiyeen Akaademigu. Ardaydaas oo ahayd kuwo ku tiirsan lana mawqif ah xukuumada talada dalka haysa.” Ugu danbayn Suldaan Nadiif ayaa ugu baaqay jaamacadaha dalka dalka inay tixgeliyaan   ardayda loogu soo xidho deeqaha waxbarashada sida ardayda Gabooye. “Ugu dambayn waxaan halkan baaq uga dirayaa dhammaan jaamacadaha dalka inay tixgelin gaar ah   siiyaan ardayda loogu soo xidho deeqaha waxbarashada sida ardayda Gabooye.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews