Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Oo Sheegay inay Ansixiyeen Go’aan ay Guddida Horumarinta ee Hoodaale ku Kala Saareen Musharaxiinta Uga Dhex tartamaya Xisbiga Kulmiye

0
29

Hargeysa(Hubaal):-Salaadiinta beelaha Sacad Muuse  oo uu hormood u yahay suldaanka guud Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi ayaa ansixiyey  go,aan ay guddida  horu marinta beelaha Sacad Muuse ku kala reebeen musharaxiinta beeshaas ee damacsan inay ka dhex tartamaan xisbiga Kulmiye.

Suldaanka oo shabakada Hadhwanaagnews u waramay ayaa  sheegay inay ansixiyeen  natiinada ay soo saareen guddida horu marinta beesha Sacad Muuse ee ay ku kala reebeen musharaxiinta isla markaana ay cod ku doorteen inuu beeshaasi musharax u noqdo gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ka dib marka uu madaxweynuhu dhamaysto mudada uu sharcigu u baneeyey.

suldaan xasanSuldaanka Guud Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi ayaa sheegay inuu Muuse Biixi noqon doono musharaxa kaliya ee ay beeshu isku raacsan tahay inuu ka dhex tartamo xisbiga Kulmiye.

Suldaanka Guud waxa uu guddida horu marinta beesha Sacad Muuse uga mahad celiyey  go,aanka ay gaadheen iy  hawlaha ay qabteen mudadii ay ku guda jireen hawsha soo xulida musharaxaas, waxaanu tilmaamay inay go,aankaas u gudbiyeen musharaxiinta ka soo jeeda beesha doonayey inay  tartanka galaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here