“Suldaanka Guud Ee Beellaha Arab Waa Suld. Cumar, Cid Suldaan Ama Ugaas Ah Oo Saldannada Beesha Sheegan Kartaana Ma Jirto”

0
1
SAMSUNG CAMERA PICTURES

“Waxan U Soo  Jeedinayaa Madax-dhaqameedka Arab Inay Ixtiraamaan Saldannada Soo Jireenka Ah Ee Beesha” – Agaasimaha SOLNAC Oo  Ka  Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Ugaas Axmed Cali-mahdi

 

 

Hargeysa(Hubaal):-Agaasimaha fulinta komishanka xakamaynta Aids-ka Naasir Ayjeex Jaamac ayaa ka hadlay kormeer uu ku soo maray qaar ka mid ah gobolada dalka. Agaasime Naasir Ayjeex Jaamac oo warbixin soo gaadhsiiyey Hadhwanaangews ayaa sidoo kale ka jawaabay dhawaaq ka soo yeedhay Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland. Ugu horayna Agaasimaha fulinta komishanka xakamaynta Aids-ka Naasir Ayjeex Jaamac oo ka hadlaya kormeer uu ku soo maray qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa waxa uu yidhi “Waxaan kormeer ku soo maray sadex gobol oo kala ah Saaxil, Awdal Iyo Togdheer, safarkaas waxaanu ugu kuur galaynay xaalada ay ku sugan. yihiin dadka la nool xanuunka Aids-ka. Culimada, maayarada magaalooyinka iyo gudoomiyeyaasha goboladaasi waxaanu farnay in loo midoobo ka hor taga xanuunkaas iyo in daryeel loo fidiyo dadka la nool.” Agaasimaha komishanka xakamaynta Aids-ka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka jawaabay dhawaaq ka soo yeedhay Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) waxaanu  yidhi “sida la wada ogyahay Suldaanka Guud ee beelaha Arab waa suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax  markaa cid kale oo suldaan guud ama ugaas ah oo sheegan karta saldannada guud ee beesha ma jirto, cid kale oo madax dhaqameedka ah oo aanu suldaanka u igman oo afka reerka ku hadli kartaana ma jirto, waxaanan u soo  jeedinayaa madax dhaqameedka beelaha Arab oo dhan inay ixtiraamaan saldanada guud ee soo jireenka ah.”

SHARE
Article horeSuld. Maxamed Sud. Cabdiqaadir Oo Ku Baaqay Inaan La Fudaydsan Go’aammadii Ay Buurta Gacan Libaax Kasoo Saareen
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here