TAAGEERAYAASHII UGU TIRADA BADNAA OO MAANTA KU SOO BIIRAY XISBIGA MUCAAARIDKA AH EE WADDANI

0
29

Hargeysa (Hubaal):-Xisbiga mucaaridka ah ee wadani ayaa maanta xaflad soo dhaween ah u samyeey tageerayaal ku soo biiray xafaldan oo ka dhacaday hotel maansoor ee magalada hargeisa ayaa waxaa kala soo qayb galay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee wadani C/raxmaan Maxamed Cabdilahi (ciro) xogaha guud ee xisbigaas iyo xildhibano ka tirsan golaha wakiilada somaliland.

Cirro waddani

Taageerayaashan ku soo biiray xisbiga Waddani waxaa hogaaminaya xubino fir-fircoon oo horey u ahaan jiray garbaha ugu miihimsan xisbiga Kulmiye Daa’uud Xuseen Jaamac (Foodcade) Iyo Mukhtaar Warame Kuwaas oo iyaga iyo taageerayaashoodii go,aansadeen in ay ku soo biiran xibiga wadani

xoghayah arrimahaqorsheenta xisbiga waddani Cabdirashiid Riyo Raac oo halkaa ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu xisbiga Waddani u taagan yahay sidii uu dalka uga saari lahaa waxa uu ku sheegay Dawlad nin kaliya ah iyo dalka Madaxtooyo kaliya ah waxana uu yidhi “Siyaasadda Waddani waxay u taagan tahay inuu dalka ka saaro Dawlad ninkaliya ah iyo Dawlad Madaxtooyo kaliya ah”

sidoo kalecabdirashiid riyo raac waxa uu sheegay in soo jeedinaayo inay dalka la dajiyo oo ay isku tanaasulaan “rag wax uu walaalw ku dhaamo waa lawaayey markaa waxaanleeyahya kalagarqaata”

Dhinaca kale waxaa isna goobtaas ka hadlay Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ah xildhibaan xisbiga Waddani ugu jira golaha wakiilada waxana uu ka hadlay khilaafka xisbiga wadani waxana uu yidhi “waxaa is haysta maaha Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye balse waa Gudoomiyaha Kulmiye iyo koox wasiiro ah madoonayno inaanu la tartan Kulmiye Jilicsan ee waxaanu doonaynaa inaanu la tartano Kulmiye adag “

sidoo kale waxaa uu ka hadlay musharaxnimada madaxweyne siilanyo Madaxweyne Siilaanyo” waxaa la Iisheegay inuu yidhi aniga musharax ma-ihi balse waxaan la yaayabanahay sababta uu ilaa hadda Madaxweyne Siilaanyo si cad bulshada ugu soo bandhigi’layahay musharaxnimadiisa”

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay xubin firfircoon oo kamida masuuliyiinta kus oo biirtay xibiga Waddani Mukhtaar Warsame Mire waxaana uu sheegay sababta kaliftay in ay ku soo biiran xibiga wadani “markii aanu eegnay af gaabinida iyo anshax wanaagga Gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaanu go’aannsanay inyar ayaan doonayaa inaan u dhaadhaco xisbiga Kulmiye waxaana u habnoon inay si dagdega ah isku casilaan5 sano oo dambe iskaba daayoo haday taagan tahay inay ku habnoon tahay inay meesha baneeyaan oo ay is casilaan”

Sidoo kale waxaa isna dhinaciisa ka hadlay Daa’uud Xuseen Jaamac [Foodcade] oo ka mid ahaamamsuuliyiinta xafladdan balaadhan loo qabtay waxaana uu sheegay inuu faraxsanayahay in u ku soo biiro xisbiga wadani waxana sidoo kale uu ka hadlay khilaafka xisbiga kulmiye “anigu makhraati baan ka ahay oo xisbiga Kulmiye isagaa igu wacan waana ayaan darro inuu Kulmiye yahay hogaan qaloocday” ayuu yidhi Mr Foodcade “taageerayaashayda halkaa soo fadhiya waxaan ku qancinayaa inaan niqon doono nin xagooda iyo xagga umadda kaleba u xaglindoona”ayuu yidhi Mr Foodcade.

“tii oo uu nin ba doonayo inuu ninka kale khayaameeyo ayaa lala kala jeedsaday waxa Kulmiye dhexyaalaan waa digadaa iyo dambaskii ay labadaa nin la kalajeedsadeen”

Dhinica kale waa isna halkaas ka hadlay Xildhinbaan Rayte oo Ka mid ah xildhibnaada golaha wakiilada somaliland waxana uu ka sheekeeyey marxalada uu haatan u dalka uu maryo isgoona si gaar ah uga shekeeyey halka uu salka uu ku hayo khilafka xisbiga kulmiye oo u ku sheegay in ay tahay afar qodob oo uu faah faahiyey “waxaan maanta aad ugu faraxsanahay inaan halkan ku soo dhaweeyo taageerayaal farabadan oo ku soo biiray xisbiga Waddani ee waxaad ku soo biirteen xisbigii dimoqoraadiyadda,xibiga Waddani”

waxaanu sheegay inaanay rabin inay maanta xafladoodan kaga hadlaan khilaafaadka kulmiuye balse ay ku qasabtay inay ka aamusi kariwaayeen ceebta meesha taala “aduunyada way ka jiraan fikrado kaladuwan oo hadana halxisbi dhexdiisa ah xisbiga Kulmiye waxa uu necebyahay sharciga waa tan 1aad hadaad is tidhaado sharciga ka hadlana budhkaa ku saaran oo sababtii aan uga soo baxay 2aad waa qabyaaladda xisbiyadana waxaan u samaysaay inaan reeraha iyo qabiilka kaga baxno qabyaaladaasina waa waxay bulshadeenu ku qabsantahay halka ay umadaha kale ku qaybsan yihiin diimaha ay kala aaminsan yihiin iyo luuqada kaladuwan ee ay ku hadlaan sidii aad arkayseen Madaxweyne Siilaanyo waxa uu liiskii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku soo galay isaga oo ah Madaxweynihii qaranka Liiska beeshiisa” ayuu yidhi

“qodobka 3aad waa dimoqoraadiyad laAanta ka jirta xisbiga dhexdiisa taasina waa yaanu tartan jirin oo yaal la tartamin sideebaan ku aamini karaa xukuumadda xisbgeedii sidaa ula dhaqmaysa madoorasho xor iyo xalaal ahbaan ka sugaynaa hogaankii dhawr wiig uun ka hor golihii dhexe ee shirweynihii la doortay meesha waa laga saaray taasina waa sharcidarro marka makaasaan sharciyad iyo dimoqoraadiyad ka sugaynaa”

sidoo kale waxaa uu ka hadlay hadalo dhawaan ka soo yeedhay wasiirka arimaha gudaha somaliland cali waran cade “Cali Waran Cade waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambeeyaan qaraxyadan iyo waxa dahcaya m iyaanu ogeyn inuu yahay wasiir Kulmiye ah mase wali waxa uu isku haystaa inuu UDUB yahay” sidoo kale waxaa uu ka hadlay ciidamada RRu waxana u sheegay In Anay Wali Si Rasmi Ah Loo garenen ciida masuulyadoodu ay hoos timado “RRU-dana waa in masuuliyadeeda cid lasaaro raggbaa ku dhintay oo nafbaa ku go’day oo caruurbaan waligood ilaawi doonin maskaxdoodana aysan ka baxayn wixii ku dhacay” ayuu yidhi Xill. Rayte.

xoghayaha Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcade oo halkaa ka hadlay waxaa gabagabadii xafladdaa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxaanu sheegay inay ka xunyihiin khilaafka xisbiga Kulmiye waxaanu sheegay inay ixibiyadu yihiin hanti qaran oo ay umaddu leedahay “anagu waxaanu ka xunahay khilaafka xisbiga Kulmiye khilaafka xisbiga Kulmiye waxa uu saamayn ku yeelanayaa doorashooyinka soosocda,xidhiidhka waddamada jaarka ah,Gulaha guurtidana waxaan ka codsanayaa inaanay dhexdhexaadintooda dawo uga dhigin wax muddo kordhin layidhaado waxaanu soo jeedinaynaa in doorashada wakhtigeedii laga soo hormariyo si dalka loo badbaadiyo taas oo ah xalka kaliya ee meesha yaala” ayuu yidhi Mr Cirro “Kulmiye markii hore taageero farabadan buu helay balse hadda waxaa soo baxay midabkiisii dhabta ahaa nin maalintii oo dhan makhaayadda fadhiya oo suuqyada maraya yaa habeenkii saqda dhexe gurigiisa loogu dhacayaa maxaa keenaya sababtaas? “qoladayada mucaaradka ahi waxaanu ka sii baqaynaa waxa dhicidoona waayo xildhibaano ayaa la xidh-xidhay tartankii doorashooyinkuna suu soo dhawyahay” ayuu yidhi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here