Tahriibayaal Ku Dhammaaday Xeebaha Dalka Yemen

0
1

Ugu yaraan 46 qof oo tahriibayaal ah oo Soomaaliya ka dhoofay kuna socday dalka Yemen ayaa doon ay saarnaayeen waxay kula dagtay xeebaha Yemen, waxaana warkan laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

 

Waxaa sidoo kale la baadigoobayaa 16 qof oo kale kadib markii doontoodii ay gadoontay, sidaasina waxaa sheegtay hay’ada Socdaalka Dunida.

 

Dad mashaqadan ka badbaaday ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen 100 qof oo ay ka soo qaaday dekada magaaladda Boosaaso.

 

Dadkan ayaa la sheegayaa inay shaqooyin u doonanayeen dalka Yemen iyo wadammada kale ee Khaliijka.

 

Tahriibayaashani ayaa la sheegayaa inay dhamaantood ahaayeen dad Itoobiyaan ah.

 

Hay’ada IOM ee Socdaalka Aduunka ayaa ku warramaysa in doontan ay degtay maalinkii Arbacada, dadka ku dhamaadayna waxaa ka mid ahaa dumar gaadhayay sagaal, raguna waxay ahaayeen 37 iyo caruur.

 

Dad ka mid ah kuwa doonta saarnaa ayaan wadan jaakadaha badda looga badbaado, sidaasi waxaa sheegay mid ka mid ah dadka badbaaday

 

‘Dad ka badan 7,000 oo qof oo tahriibayaal ah ayaa safarkan qatarta ah gala bila walba; sanadkii la soo dhaafay oo kaliya 100,000 ayaa safray,” Maxamed Abdikadir oo IOm ka tirsan ayaa sidaasi sheegay.

 

‘Dadkani waxay maraan xaalado xun. Waana in la soo afjaraa safaradan,’ ayuu raaciyay sarkaalkan u hadlay IOM

 

Tahriibayaal iyo qaxooti geeska Afrika ka yimid ayaa Yemen u socdaalayay sanadihii la soo dhaafay, sababtoo ah Yemen waxay albaab laga galo oo sahlan u tahay wadamada kale ee Khaliijka iyo Yuruba.

 

Balse yemen ayaa gashay dagaal sokeeye iyo xaalad bani’aadanimo oo aad u liidata

Xigasho: BBC-Somali

SHARE
Article hore“Jawharadda Islaamka”. W/Q: Sh. Cabdirisaaq C/raxmaan Xasan-rakuub
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here