Taliska Ciidanka Millateriga Ee Bariga Sool Oo Soo Bandhigay Gaadiid & Hub Ay Ka Furteen Maleeshiyada Puntland

0
1

Laascaanood (Hubaal)- Taliyaha Aaga Barri ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Cali Barre Xuseen oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Sool, Cabdiqani Maxamed Jiidhe ayaa shalay wadajir u soo bandhigay Baabuur ay shalay gacanta kaga dhigeen maleeshiyaadka Puntland oo Millatariga Somaliland tallaabo adag ka qaadeen.

Taliyaha Aaga Barri iyo Guddoomiyaha Gobolka Sool waxay ku eedeeyeen inay dadka shacabka ah ku dhibaateynayeen jidka jiidda Tuka-raq, waxaanu tilmaamay in jab iyo dhaawac ka gaadhay weerarka ay ku soo qaadeen xadduuda Somaliland.

“dhacdadii bisha 4-teedii ka dhacday jidka u dhaxeeya Tukaraq iyo Laascaanood, oo maamul-goboleedka Puntland uu kusoo xadgudbay, iyagoo doonayay inay jid jooyo u galaan, dadka safraya ee wadada maraya, halkaas oo aanu ka war helnay in jidka ay ku jiraan 2 baabuur, ilaa subixii waanu xajiijinaynay inay ku jiraan jidka Gambadha meel ku dhow, intaas ka dib waxaanu u dirnay cutubyo ciidanka qaranka ka mid ah, isla markiina way isheleen, rasaas bay isweydaarsadeen, ileyn waxay ahaayeen niman jidgooyo ku jiraye, isla markiiba waxa laga qabsaday gaadhi iyo hubkii ay wateen, gaadhi kalena wuu cararay isagoo dhaawac sida, waxa dadka deegaanku ay arkeen oo ay jiideen gaadhigii oo rasaastu googaysay, dhaawacoodiina ilaa xalay (habeen hore) ayaa dhulkaa laga gurayay.” Ayuu yidhi Taliyaha Aaga Barri

SHARE
Article horeHoggaanka Xisbiga KULMIYE oo Qaabiley Wefti Ka Socda Midowga Reer Yurub
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here