HUBAALMEDIA.COM
Taliye-ku-xigeenka Bilayska Oo Shaaciyey Magaca Eedaysane Ay Gacanta Ku Dhigeen Oo Laba Bilood Ka Hor Dil Ka Geystay Burco
June 5, 2017 - Written by Mustafe Faro

“Waxaanu idiin sheegaynaa inaanu soo qabanay Gacan ku dhiigle  Burco ku dilay Marxuum Mursal Cabdillaahi Geelle, Kaasi oo  aanu  soo qabanay isagoo jooga Guri ku yaalla Degmada Axmed-dhagax”

fooxle

Hargeysa-(Hubaal) – Ciidammada Booliska, ayaa shaaciyey inay Gacanta ku soo dhigeen nin ay sheegeen in uu ku eedaysan yahay dilka marxuum bishii Afraad ee sanadkan lagu dilay magaalada Burco.  Ninkan ayaa ay ciidammada bilaysku sheegeen in uu   dilay Nin la odhan jiray Mursal Cabdillaahi Geelle. Boolisku waxay sheegeen in Gacan ku dhiiglaha la qabtay oo intaaba baxsad ahaa ay Gacanta ku soo dhigeen isagoo bay yidhaahdeen ku sugan guri ku yaalla Degmada Axmed-Dhagax ee Magaalada Hargeysa. “Ciidanka Boolisku waxay Gacanta ku soo dhigeen Saaka (Shalay) Gacan ku dhiigle Xamse Xariir Maxamed oo 27-kii Bishii April ee sannadkan Magaalada Burco ku dilay Marxuum la odhan jiray Mursal Cabdillaahi Geelle.” Ayuu yidhi, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle).  Hoggaanka Hawl-gelinta Booliiska   Cabdiqani Ciise Maygaag [Ganey] oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa faahfaahiyey siday u soo qabteen Ninka Gacan ku dhiiglaha ah ee Qofka ku dilay Magaalada Burco, waxaanu yidhi “Waxaanu idiin sheegaynaa inaanu soo qabanay Gacan ku dhiigle Xamse Xariir Maxamed Xasan, oo Burco ku dilay Marxuum Mursal Cabdillaahi Geelle. Ninkaasi markii uu Dilka geystay wuu baxsaday, intaana Baadi-doon ayuu Boolisku ku jiray, laakiin Saaka (Shalay) ILAAHAY wuxuu nagu guuleeyay inaanu soo qabano isagoo jooga Guri ku yaalla Degmada Axmed-dhagax.” Hoggaanka Hawl-gelintu wuxuu sheegay in Hawl-gal ay ku soo qabteen Ninka Dilka ku eedaysan uu si wanaagsan ugu fulay, “Hawl-galkaasi si wanaagsan buu noogu fulay, Ninkiina waanu soo qabanay oo waxaanu ku wareejinay Ciidammada Dambi-baadhista, waanu qirtay inuu yahay Ninkii dilay Marxuumkaa (Mursal Cabdillaahi Geelle” ayuu yidhi.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews